Murtadkii degmada Xamar jajab oo ku Bakhtiye qarax lala beegsaday iyo Afhayeenkii Mooryaanta booliiska dowlada ridada ah oo dhaawac ah

Gudoomiyihii degmada Xamar jajab ee dowladda kmg ah Axmed Sheekh Maxamuud qoorleex ayaa ku geeriyooday qarax  maanta lagula beegsaday Xaafadda Afsiyooni degmada Xamar jajab ee gobolka banaadir.

waxaana sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay gudoomiye ku xigeenkii dhinaca Amaanka ee gobolka Banaadir warsame Maxamed Xasan.
Qaraxa lagu dilay gudoomiyihii degmada Xamar jajab ayaa loo adeegsaday miinada meelaha fog fog laga hago ee loo yaqaano Remote-Contorol iyadona uu gebi ahaanba uu bur buray gaarigii ay la socdeen gudoomiyaha iyo ilaaladiisa sida ay ku waramayaan qaar ka tirsan dadka deegaanka.
Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkii lagu khaarajiyey Axmed Sheekh Qoorleex waxaana sarkaal ka tirsan Shabaabul mujaahidiin oo lasoo xiriiray Idaacadda Alfurqaan uu sheegay  in mas’uulkaasi lagu dilay qarax loo adeegsady miinada la hago kaasi oo sidoo kalena waxyeelo soo gaarsiiyey ilaaladii gudoomiyaha.
Saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Alfurqaan inay iyagu ka dambeeyeen qaraxa lagu dilay Gudoomiyihii degmada Xamar jajab, waxaana Saraakiisha oo lasoo xiriiray Idaacadda Alfurqaan ay si buuxda u xaqiijiyeen jiritaanka warka la xariira dilka qoor leex.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada booliiska dowladda kmg ah C/laahi Xasan bariise ayaa ku dhaawacmay is rasaasayn  Xaafadda Afsiyooni ku dhex martay Ciidamo ka wada tirsan dowladda kmg ah.
Dhaawaca bariise oo aan la ogeyn inta uu la egyahay ayaa la gaarsiiyey mid kamid ah isbitaalada ay maamusho dowladda kmg ah iyadoona warar kala duwan ay kasoo baxayaan sida ay haatan xaaladiisu tahey.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: