Wilaayada islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gobalka Banaadir oo shaley Burburisay Qabuuro la caabudo oo ku yiilay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada).

Ciidamada Mujaahidiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta bilaabay Howlgal ay cagta ku marinayaan Qabuuro Shirkiyaad ah oo yiilay degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho.

Saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa  Idaacadda Andalus u xaqiijiyay in ay socdaan Howlgallo cagta lagu marinayo qabuuraha shirkiga ah ee ku yiilay deegaanka Sanca.


Muuqaalka goob laga Burburiyay astaanta Labka Kirishtanka ah

Waaliga gobalka Banaadir Sheekh Cali Abuu Jabal oo saxaafada lahadlay

Howlgalkan Barakaysan waxaa fulinaya Guutooyin katirsan Mujaahidiinta qaabilsan la dagaalanka shirkiyaadka, Qabriga Sheekh Muxudiin Celi ayaa kamid ahaa meelaha ay sida aadka ah u ziyaara jireen dadka aan diinta wax ka aqoonin.

Waaliga Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gobalka Banaadir Sheekh Cali Max’med Xuseen Abuu Jabal oo saxaafadda kula hadlayay goobihii Qabuuraha laga Burburiyay ayaa alle uga mahad celiyay sida uu usuura geliyay in dhulka lala simo qubuuraha ay caabudayeen dadka waxma garatada ah.

Muuqaalka Astaanka Saliibka ah oo suran Qabuuraha India ee degmada Kaaraan magaalada Muqdisho oo maanta la Burburiyay.

Qabri Burburin lagu wado oo kamid ahaa kuwa gaalada

Waxyaabo lagasoo dhaxbaxshay qabriyadii maanta laburburiyay

Qoraallo ku qoraa Qabriyada gaalada ee maanta la Burburiyay

Qabrigii Sheekh Muxudiin Celi oo dhulka lala simay

Qabriga oo qodid ku socoto

Astaanka gaal 1941 Bakhtiyay oo suran qabrigiisa oo la Burburiyay.

Qabuuraha la Burburiyay waxaa kamid ahaa Qabriga  Sheekh Axmed Xaaji oo ku yiilay degmada C/casiis oo ay dadka waxamagaratada ah caabudi jireen.

Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxay faageen Qabuuro ay ku aasnaayeen dad Gaalo ah oo ay kamid ahaayeen Yugaandhiis Kenyaan iyo kuwa Tanzaaniyaan ah.

Saraakiisha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saxaafadda usoo bandhigay Calaamadda Saliibka Kirishtaanka oo ku aasnaa qabriyadii maanta cagta lamariyay.

Wilaayada islaamiga Gobalka Banaadir waxay balan qaaday in ay Qabuuraha qaabka khaldan loo Ziyaarto ay dhulka lasimi doonaan, ugu dambayntii ciidamada Mujaahidiintu waxay soo faageen qabriga Sheekh Axmed jaamac degmada Kaaraan kaasi oo ku dhax aasnaa gudaha Masjidka.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay Shabaabul Mujaahidiin ay sameeyaan Howlgallo ay kula dagaalamaan waxyaabaha shirkiyaadka ah ee liddiga ku ah shareecada Islaamka.

2 Responses

  1. Waan kugu raacsan nahay

  2. Siiwata howshiina

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: