Shabaabul Mujaahidiin oo Maanta Dhulka lasimay Qabriyadii ay ku aasnaayeen Sheykh Aadan Dheere iyo Cali Muumin .

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanlintii 2-aad Howlgallo qabuura Buruburin ah ka wado degmooyinka Gobalka Banaadir oo ay ku aasnaayeen Wadaado ay Caabudi jireen dad Somaliyeed.

Cutubyo katirsan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta Burburiyay qabriyo ku yiilay degmada Wardhiigleey magaalada Muqdisho kuwaas oo ahaa meel ay dadku waxyaaba shirkiyaad ah ku sameeyaan.

Waaliga Wilaayada Islaamiga Gobalka Banaadir Sheykh Cali Max’med Xuseen Abuu Jabal oo maanta saxaafadda lahadlay ayaa faah faahiyay Howlgalada ay mujaahidiintu kula dagaalamayaan Shirkiyaatka.

Sheykh Cali wuxuu uga digay dadka Muslimiinta ah in ay ku dhacaan waxyaabo Islaamka looga baxo sida in Qabuuro la gargaar weydiisto taas oo keeni karto ciqaab aduunyo iyo mid Aakhiro.

Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka galay Mowlaca weyn ee Sheykh Aadan Dheere degmada Wardhiigleey oo aheyd meel ay dadka suufida ah inta ay isugusoo aruuraan ay ku Barakaysan jireen Qabriga Aadan Dheere taas oo muujinaysay in sharki ka jiray halkaasi.

Sheykh Cali Abuu Jabal oo saxaafadda lahadlayay ayaa qiray in xiligii ay ciidanku gelayeen Xerta Aadan dheere ay qabriga Aadan dheere ay dul taagnaayeen Dad waxma garata ah oo caabudayay Qabriga.

Sidoo kale Xoogaga islaamiyiinta ayaa maanta dhulka lasimay Qabri siweyn loo caabudi jiray oo uu ku aasnaa Wadaad la oran jiray Cali Muumun kaas oo ay Dad reer Muqdisho ah ay tuugi jireen.

Ugu dambayntii Wilaayada Islaamiga Gobalka Banaadir ayaa balan qaaday in ay sii wedi doonto Burburinta waxyaabaha shirkiyaadka ah oo ay dadka qaar caabudi jireen howlgalkan waxaa soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho shalay ayay Shabaab dhulka lasimeen qabrigii Sheykh Muxudiin Celi iyo qabuura kale oo ay dad gaala ah ku aasnaayeen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: