Dowlada Uganda oo Ciidan Badala kuwa kaga go’doonsan Muqdisho iyo kuwa ku halaagsamay u soo direysa Muqdisho.

Felix Kulayigye oo ah Afhayeen u hadlay Wasaarada gaashan dhiga dowlada kirishtanka ah ee Uganda ayaa waxa uu sheegay in 1000 Askari oo ciidankooda ka mid ah ay ku daad gureynayaan gudaha wadanka Somaliya kuwaasi oo badali doona ciidanka dowladaasi kaga halaagsamay dagalka muqdisho ka socda ee ay isku hayaan iyaga iyo mujaahidinta ka dagalanta dhulka Somaliya.

Gaalkan kirishtanka ah oo la hadlayey wargeys lagu magacabo Daily Monitor oo ka soo baxa wadanka Uganda ayaa waxa uu sheegay in ciidan gaaraya 1000 askari oo badalay Askarta hadda kaga sugan magalada mudisho sida uu sheegay ay tagayaan somaliya bisha soo socota waxaana uu sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah Askartooda ku sugan somaliya oo qaarkooda la soo badalayo si uga nastaan xabada mujaahidinta oo qaarkood ay la waasheen.

Arintan ayaa waxaa ay muujineysaa jabka xukuumada Saliibiga ah ee Uganda ka soo gaaray dagaalka ka socda muqdisho ee u dhexeeya mujaahidinta somaliya iyo ciidanka gaalada AMISOM isku sheegay ee ku sugan magalada muqdisho.

Ciidanka gaalada ah ee xooga ku jooga magalada muqdisho ayaa waxaa ay yihiin kuwo aanan inta badan ka soo bixin xarumo kooban oo ay ku leeyihiin magalada muqdisho islamarkana halkasi shacabka ka gumaada waxaase la sheegaa in tan iyo markii ay cagaha soo dhigeen somaliya ay ka baqtisay askar boqolaal gaaraya kuwasi oo uu Allah ku halaagay gacmaha shacabka iyo mujaahidinta dalka Somaliya ku sugan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: