Maxkamadda Islaamiga Magaalada Kismaayo oo Xukun ku ridday Weriye Warar Liddi ku ah Amaanka Jubbooyinka faafiyay.

Maxkamada islaamiga ah ee degmada kismayo ayaa maanta ku xukun ku riday wariye max’ed salaad C/lle kaasi oo dhawaan ay soo eedeysay maktabka Iclaamka ee xarakada mujaahidinta Al shabab waxaana lagu eedeyey in uu fuliyey warar qal qal gelinayo amaanka magalada kismayo.

Wariye max’ed salad C/lle ayaa waxaa uu maalmahanba ku xirnaa xabsiga dhexe ee magalada kismayo ka dib markii ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka xisbada wilaayada islamiga ah ee gobolada jubooyinka waxaana maanta markii ugu horeysay uu ka soo muuqda maxkamada islamiga ah ee degmada kismayo isagona Qirtay guud ahaan falalka lagu soo eedeyey.

Ka dib markii uu qirrtay max’ed salad C/lle falalka lagu soo eedeyey ayaa waxaa makamadu ay ku xukuntay in laga masaafuriyo guud ahaan deegaanada gobolada jubooyinka waxaana lagu Amaray in uu magalada kaga baxo muddo 36 saacadood ah iyadona wariye max’ed salad C/lle uu saxiixay guud ahaan qodobadii ay maxkamadu go’aamisay.

Wariyahan ayaa isagu waxa uu ka mid ahaa wariyeyaasha madaxa banana ee ka shaqeya magalada kismayo isagona wakiil wareed magalada kismayo uga ahaa Idaacadaha Somaliweyn iyo SBC oo ku kala yaalla magaloyinka muqdisho iyo Boosaaso waxaana dhawaan magalada kismayo uu ka tabiyey warar qal qal gelinaya amaanka magalada kismayo oo been Abuur ah.

Waa markii ugu horeysay oo Xukun noocan oo kale ah lagu rido wariyayaasha ka howl gala magalada kismayo iyadona tani ay tusaale u noqoneyso wariyeyaal fara badan oo ku dhiiran jiray in ay tabiyaan wararka noocasi oo kale ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: