Ciidamada Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab oo Kulaalaya magaalada Dhuusamareeb iyo Maleeshiyaadkii Qabuura galeenka oo kala firxaday.

Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Gobolka Galguduud ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan la wareegi doonto gacan ku haynta degmooyin ka maqan gacanta wilaayada.

Waaliga Wilaayada Galguduud Sheekh Yuusuf Ciise oo lahadlay Idaacadda Andalus magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyay in mujaahidiintu ay kaabiga saareen magaalada Dhusamareeb xaruta Gobalka Galguduud oo ay horay u joogeen Maleeshiyaad Qabuuriyiin Mushrikiin ah.

Sheekh Yuusuf wuxuu cadeeyay in Isbaarooyin farabadan lasoo dhigay gudaha magaalada Dhuusamareeb iyo wadooyinka kabax islamarkaana gaadiidka Dadweynaha looga qaadayo lacago Baad ah.

Maleeshiyaadkii Qubuuriyiinta ee kasoo duulay Xeraale iyo C/waaq ayuu waaligu sheegay in ay ka carareen Guriceel iyo Dhuusamareeb kadib markii ay dhaxdoodu qaab beeleed u dagaalameen.

Odayaasha beesha Dhuusamareeb ayaa la sheegay in Mujaahidiinta ay la xariireen waxayna ka codsadeen in aysan dagaal kusoo gelin magaalada beeshuna ay maleeshiyada ka qaadi doono magaalada.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa qorshaynaya in ay la wareegaan gacan ku haynta degmooyin ay Fisqi iyo dhibaato ka wadaan Mushrikiinta caadaystay qabuura caabudida.

Qabuura Galeenka ayaa isku khilaafsan Heshiiskii ay dhawaan Addis Ababa kula galeen Kooxda Riddada ee uu hogaamiyo Shariif Axmed heshiiskaas oo ladoonayo in lagu qariyo Jabka Mushrikiinta kasoo gaaray dagaallo ay Galguduud kula galeen Shabaabul Mujaahidiin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: