Roobab ay dadku ku diirsadeen oo da’ay qeybo ka tirsan gobolada baay iyo bakool.

Xili inta badan gobolada koonfureed ee dalka soomaaliyeed ayaa da’ayaan roobab mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo aduunyada ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafey  degmooyin ka tirsan gobolada baay iyo bakool ka curtey  raxmadda eebe.

Magaalada beydhabo Xarunta gobolka baay ayaa waxaa saakey  ilaa iyo xaley ka da’ayey roobab ay dadku ku qabowsadeen iyadoona dadka kunool magaaladaasi ay si aad ah ugu faraxsanaayeen roobabka gu’ga ee u curtey waxeyna bilaabeen inay  u dareeraan tacbashada beerahooda.

Inkasta oo roobabkaasi  ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada hadana waxaa jira dhibaatooyin ay soo gaarsiiyeen dadka barakacayaasha ah ee kunool   xaafadaha kala duwan ee magaalaas iyadoona dadkaasi barakacayaasha ah ay kunool yihiin guryo ka sameysan baakado iyo cooshado.

sidoo kale roobabaasi kuwaasi lamid ah aya waxey ka da’een deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose waxaana la soo sheegayaa in roobabkaasi ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada kunool gobolkaasi oo mudooyinkii udambeeyey ka cabanayey kuleylo aad udaran.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: