Kaluumaysatada Gobalka J/Hoose oo Cabasho ka Muujinaya dhibaato ay ku hayaan Ciidamada Gaalada ah ee Xoogga ku jooga Biyaha Somalia.

Dadka musliminta kuluumeysatada ah ee ku nool magalada kismayo ee xurunta gobolka jubada hoose ayaa ka cabanaya dhibaatoyin ay ku hayaan maraakibta shisheeye ee ku sugan xeehaha dalka muslimka ah ee somaliya kuwaasi oo ay sheegeen in ay kula kacaan dhibaatoyin isugu jira dhac iyo jir dil baahsan.

Qaar ka mid ah kaluumeysatada musliminta ee ku nool gobolka jubada hoose gaar ahaan magalada kismayo oo la soo xiriiray idaacada islamiga ah ee andalus ee magalada ksimayo ayaa waxaa ay sheegeen in dhibaatadan xoogan ay in muddo ah kala kulmayeen maraakiibta dagaal ee shisheeye ee ku sugan biyaha somaliya balse waxaa ay sheegeen in ay maalmahan soo xoogeysteen iyadona aanan la ogeyn sababta ay u bartilmaamedsanayaan.

Kaluumeysatadan ayaa waxaa ay sheegeen in dhibaatoyinka ay kala kulmaan maraakiibta shisheeye ee ku sugan biyaha soamliya ay sababtay in uu hoos u dhaco kheyraadkii ay ka keeni jireen baddeena waxaana ay sheegeen in mararka qaar ay ka jiraan hargaha ayna ka burburiyaan doomaha ay ku kaluumeystaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in marka ay qabtaan ay ku eedeyaan in ay ka tirsan yihiin kooxaha jidgooya badeda somalida ee ka jalaabatada biyaha somaliya waxaana ay intasi ku dareen in dhibaatada ay kala kulmeen gaaladasi darted ay sababtay in uu yaraado kulluunkii laga soo saari jiray xeebaha magalada

Biyaha somaliya ayaa waxaa ku sugan maraakiib dagaal oo ay leeyihiin gaalada reer galbedka iyo kuwo kalen waxaana ay ku gabadaan boorka la dagaalanka buracda badeeda somalida iyagoo markasi dhibaatoyin ku haya musliminta ka kaluumeysata biyaha somaliya.

Arintani ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xilli dhawaan isbaheysiga huganta Nato ee marakibta dagaal ay ka joogaan xeebaha somaliya ay sheegen in ay waqtiga u kordhiyeen maraakibtoda dagaal ee ku sugan biyaha somaliya iyagona markasi sheegay in ay ciidankoda ka sii howl gali doonaan ilaa sanada 2012-ka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: