Ciidamo Tikree ah iyo Shirkado Shidaal Baaris ah oo qabsaday qaybo katirsan degmada Galdogob gobalka Mudug.

Boqolaal katirsan Ciidamada Tikreega Itoobiya ayaa kusoo qulqulaya deegaano katirsan gobalka Mudug bartamaha dalka Somalia oo ay ka jiraan maamullo beeleedyo magacyo kala gedisan labaxay.

Wararka nagasoo gaaraya degmada Galdogob gobalka Mudug ayaa xaqiijinaya in Boqolaal katirsan Ciidanka Tikreega ay soo galeen meel 7 KM ujirta Goldogob iyagoo Gelbinaya gaadiid ay wataan shirkado qaabilsan Shidaal baaris oo ka socda wadamada qaaradda Asia.

Ciidamada Tikreega ah ayaa la sheegay in ay kala eryeen dad xoola dhaqata ah oo beero iyo guryo ku lahaa Miyiga degmada Goldogob waxayna Tikreegu bilaabeen in ay dhufaysyo ka dhigtaan agagaarka degmada Goldogob.

Gaadiid waaweyn iyo walxo Iftiimaya Habeenkii ayaa la sheegay in shirkadaha shidaal baarista ay ku muteen Goldogob taas oo cabsi iyo wel wel ku abuurtay shacabka ku dhaqan degmadaasi Goldogob.

Taliyaha Saldhigga Booliska G/kacyo u qaabilsan maamulka Bari Muuse Xasaasi ayaa sheegay in ay dacwad ugudbiyeen saraakiisha Tikreega ee Goldogob qabsaday islamarkaana ay ugu baaqeen in ay deg deg uga guuraan dhulka ay ka qabsadeen degmada Goldogob balse aysan ka helin jawaab ku filan Somalida.

Warar Madax banaan oo laga helay dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in ciidanka Tikreega ay dhufaysyo iyo teendhooyin ka qoteen deegaanka ay degeen taas oo muujinaysa in ay kusii negaanayaan goobta.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa dhulka Somaligelbeed ee lagumaysto ka socday shidaal baadhis lagu hungoobay oo ay wadeen shirkado Calooshood u shaqaystayaal Maleziyaan ah waxaana hadda muuqanaysa in Tikreegu ay doonayaan in shidaal ay ka baaraan dhulka Somalida hadii ay ka helaan ay xalaalaystaan degmada Goldogob gobalka Mudug.

Maamulka Bari ee la shaqeeyo Itoobiyaanka ayaan wax war cambaarayn ah kasoo saarin xadgudubka ay ciidamada Tikreega kusoo sameeyeen degmada Goldogob gobalka Mudug mana laflayo in uu cambaareeyo sababtoo ah waxaa ka dhexeeya Heshiis lagu baacsado xoogaga xaq udirirka ah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: