Mooryaan Xeeffow oo beeniyey in uu waxka saxiixay wadahadaladii Itoobiya

Guddoomiyaha golaha fulinta ee qabuuriyiinta isku magacowday Culima’udiinka ahlusuna  Mooryaan Mohamed Yusuf Xefow ayaa sheegay in uusan waxba ka ogeyn saxiixina wax heshiis ah oo dhexmaray Dowladda iyo kooxda Qabuuriyiinta.

Kadib markii maalintii maanta ay dalka Itoobiya heshiis awood qaybsi ah ku gaareen Dowlada KMG ee awooda daran iyo Kooxda Qabuuriyiinta ee u adeega Dolwadda Itoobiya ayaa waxaa qaarka mida Saxaafada Somalida lagu soo qoray in uu dhinaca Qabuuriyiinta u saxiixay  Guddoomiyaha golaha fulinta ee qabuuriyiinta isku magacowday Culima’udiinka ahlusuna  Mooryaan Yuusuf Xeefoow isagoo arinkaasina siweyn u beeniyey sheegayna in uusan wax shaqo ah ku laheyn heshiiskaasi uusana saxiixin aqoonsaneyna waxa halkaasi ka soo baxay.

Mooryaan Mohamed Yusuf Xefow oo qaar ka mid ah saxaafada magaalada Guriceel la hadlayey kadib markii uu maqlay in qaarka mid ah saxaafada Somalida ee aan waxba hubsan lagu soo qoray in uu heshiiska Itoobiya ka qeybgalay uuna isagu isaxiixay dhinaca Khabuuriyiinta waxa uu sheeciyey in uusan arinkaasi wax shaqo ah ku laheyn wax uusaxiixayna aysan jirin uuna siweyn uga soo horjeedo waxa heshiiska loogu yeeray ee halkaasi kadhacay.

Guddoomiyaha golaha fulinta ee qabuuriyiinta Mooryaan Mohamed Yusuf  Xefow ayaa sheegay in lagu been abuurtay uusan shaqo ku laheyn waxa halkaasi ka dhacay horay ayaana uga hadal nay oo markii kooxda Macalin Maxamuud xasan ay noogu yimaadeen Guri-Ceel ayaan u sheegnay in aynaan wax shaqo ah ku laheyn arinkaasi marka magaranayo sababta ku kaliftay qaarka mid ah saxaafada Somalidu in ay iga been abuuraan laakiin waxaan u sheegayaa in aan la xisaab tami doono kooxahaaasi beenta caadeystey.

Anigu waxaan ahay masuulka ugu sareeya Gudiga fulinta khawaarijtana Dagaal ayaa igala dhaxeeya marka in aan qaarna la dagalamo qaarna la heshiiyo suuro galmaahan kooxaha Itoobiya joogaana ma metalaan Ahlu sunma ayuu si caro leh ujiri Mooryaan Xeefoow.

Gudiga Fulinta iyo Gudiga Shuuradu waxba kama oga waxa ka socda Itoobiya sidaasi awgeed waxey utaalaa kooxdii soo saxiixday iyagaa laga rabaa in ay meel geeyaan oo meel mariyaan waxa ay soo saxiiseen.

Mooryaan Xeefoow ayaa isagu ka mid ah horjooga yaasha maleyshiyaadka Khabuura galeenak ee sida weyn uga soo horjeeda Qorshaha uu horboodayo Khuuriga weyn ee Macalin Maxamuud Sheikh Xasan oo isagu hurmuud u ah Shirka maanta lagu saxiixay Dalka Itoobiya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: