Beesha Absame oo beelaha kale ee soomaaliyeed ugu baaqdey inay garab istaagaan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Suldaan C/qaadir  khaliif Macalim oo kamid ah Salaadiinta beesha Absame ee gobolada jubooyinka ayaa ugu baaqey beelaha soomaaliyeed inay garab istagaan Xarakada Mujaahidiinta  islamarkaana ay siiyaan taageeradooda  ah sidii dalka soomaaliya loogu xukumi lahaa shareecada islaamka.

Suldaan C/qaadir Khaliif ayaa si gaar ah ula Hadley beelaha dega gobolada jubooyinka wuxuuna ku tartansiiyey inay u tartamaan kheyrka iyo u adeegidda diinta Alle isagoona xusey in beesha Absame ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin beyco kula gashey in si wadajir ah loo difaaco diinta islaamka.

beelaha soomaaliyeed waxaan leeyahey beesha absame oo kale sameeya oo kheyrka aan u tartan oo hadaad naga dheereysaana waaan  idin qireynaa hadii aan idinkaga dheereynana noo qira inshaa’alaah u saan ayaan leeyahey”.

Sidoo kale  Suldaanka ayaa xusey inay wadaan uruurinta iyo isku dubaridka ciidamo ka bar bar dagaalama Xarakada Shabaabul mujaahidiin isagoona hadalkiisa intaa kusii darey  inay kormeero kusoo mareen qeybo ka tirsan wilaayaadka baay  iyo jubooyinka waxaana ujeedka kormeerkaasi uu ku sheegey sidii loo  odayaasha iyo waxgaradka beelaha kala duwan ee soomaaliyeed loo fahamsiin lahaa inay u istaagaan difaaca shareecada islaamka ee ka hirgashey deegaanadooda.

Beesha Absame ayaa dhawaan waxey mubaayaco kula gashey Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa difaaca diinta islaamka iyo ka hirgelinta shareecada islaamka ee deegnaada ay beeshaasi degto

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: