Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ugu baaqey inay sabarka badiyaan si guusha loo hanto (+Cod).

Amiirka ugu sareeya Xarakada ShabaabulMujaahidiin Sheeh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo mudooyinkii udambeeyey socdaalo ku marayey wilaayaadka ay gacanta ku hayaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxa  uu khubad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey Ciidamad Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab isagoona kula dardaarmey inay sabarka badiyaan  isagoona sheegey inuu sabarku yahey midka guusha lagu hanan karo maadama waqtiga lagu jiro uu yahey xiligii islaamka uu qariibka uu ahaa islamarkaana lala yaabi jirey jihaadka.

“ waxaad ogtihiin waqitiga aan inagu  nool nahey  islaamku wuxuu ku jiraa qurbah,qurbadiisa rasuulku wuu sii sheegey  salawaatu laahi caleyhi bada’al islaamu qariiban wasayacuudu qariiban fadhuubaa lil qurabaa,qurbada waxaa ku jira caqaa’idku waxey ku jiraan qurbo  iyo mafaahiinta saxda ah oo waxaad ogtihiin Towxiidkiiba in lala yaabayo maanta,waxaa qurbo ku jira Akhlaaqdiisii,waxaa qurbo gashey cibaadaadkiisii,waxaa qurbo gashey  shareecadiisii iyo shacaa’irtiisii,intuba waxey ubaahan yihiin in lasoo nooleeyo,qurbadaa la zuuliyo ,waxaana lagu zuulin karaana waa camal waa jiil inuu soo baxo camal ahaana u muujyo waxaas oo dhan  oo caqiido ahaana caqiidada saxda ah ku toosan ,Akhlaaq ahaana Akhlaaqdii saxda aheyd ku toosan,Cibaadadiisa iyo hab dhaqankiisa iyo Alle ka cabsigiisa u eg dadkii hore sidaas ayuu islaamku usoo noolaanayaa mar labaad oo wacdigii Alle subxaanahu watacaalaa ee Tamkiinka uu ku xaqiiqoobayaa”.
Amiirka Xarakada Shabaabul mujaahidiin ayaa waxa uu sidoo kale kula  dar daarmey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab inay u tartamaan jihaadka Allah iyo  talaab kasta oo wanaag  ah oo  horseedi karta  raali gelinta Alle subxaanahu watacaalaa.
Sheekh Muktaar C/raxamaan Abuu Zubeyr ayaa waxa uu sidoo kale ugu baaqey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin inay u dulqaataan dhibaato walba oo ay kala  kulmaan jihaadka ay ku jiraan islamarkaana ay kasii  jeystaan aduunyada.
Waxana uu ugu dambeyntii ugu bishaareeyey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin inay inay guusha ahaan doonto dhanka islaamka islamarkaana ay jebi doonaan dhinacyada diidan jihaadka Allah.
waxa naloo dardaarmey  safka hore inaan u tartan,Aadanka aan u tartan,jihaadka inaan utartano Xiraasada ,ribaadka iyo wixii lamid ahna aan u tartano,Sidaa oo kale Salafka Ridwaanulaahi Caleyhim Aduunyada uma tartami jirin,Aduunyada iyaga midba kale ayuu ka hor marin jirey  walaalkiisa ayuu ugu hormin jirey oo uu siin jirey,laakiin camal aakhiro hadii uu yimaado midba midka kale isagaa ka xigsan jirey ,Cali binu Abii daalib wuxuu yiri Aduun yooy ma Anigaa iisoo ban baxdey  inaad ilumiso hey haat ma dhaceyso ayuu yiri,qeyrkeyga dag laakiin Anigu ima dageysid ayuu yiri Anigu seddex qodob baan kugu furey maxaa yeeley buu yiri facmuriki qasiir,waceyshuki xaqiir,wakhadharuki kabiir,Seddexkaas tilmaamood baad leedahey  nolasha cimrigaagu waa gaaban yahey ,noloshaaduna waa liidataa,khatartaaduna waa badantahey”.
Khudbaddad Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu zubeyr ayaa waxey kusoo beegmeysaa xili mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Shabaabul mujahidiin ay socdaalo ku kala bixinayaan wilaayaadka Islaamiga ah ee hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyadoona fariintii tan ka horeysey uu Amiirka soo direy 5-tii bishii September ee sanadkii aan soo dhaafney.

Halkaan Ka Dhagayso:Amiir Abu-Zubeyr

2 Responses

  1. ALLAH YAXFADHU WA YANSURAH .

  2. Amiirka musliminta guul

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: