Wilaayada Islaamiga ah ee gobolka Sh/ hoose oo wacad ku marey inay la dagaalami doonaan Ciidamada Shisheeyaha.

Waaliga wilaayada islaamiga ah ee gobolka Shabeelaha hoose sheekh Maxamed C/laahi oo boqolaal dadweynaha ah kula hadlayey magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa wacad ku marey inay la dagaalami doonaan Ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda kmg ah.

Sheekh Maxamed C/laahi ayaa sheegey  in Shacabka ku dhaqan wilaayada islaamiga ah ee Shabeelaha hoose ay guud ahaan diyaar u yihiin inay hubka uqaataan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Ciidamada dowladda kmg ah iyo kuwa shisheeyaha ee is garabsanaya.
Waaliga islaamiga ah ee shabeelaha hoose ayaa sidoo kale ka Hadley hadal dhawaan kasoo Hadley mas’uul Mareykan ah oo taliye u ah Ciidamada Africom kaasi oo sheegaya suura galnimada in Mareykanku ay ka qeyb qaataan weeraro dhinaca cirka ah oo ay ku taageerayaan dowladda kmg ah.
Sidoo kale qaar ka tirsan dadweynihii kasoo galey isku soo baxa ayaa wacad ku marey inay dagaal la geli doonaan cid walba oo kusoo xad gudubta Amniga iyo kala dambeynta ay heystaan waxeyna ku dhawaaqeen  inay  difaacan doonaan Amniga ay heystaan kaasi oo ku yimid hirgelinta shareecada islaamka.
Si kastaba ha ahaatee Shacabka kunool wilaayaadka kala duwan ee islaamiga ah ee hoos taga Shabaabul Mujaahidiin ayaa balan qaadey inay si wadajir ah ugu hor tagi doonaan weerar kasta oo kaga yimaada dowladda kmg ah iy Ciidamada Shisheeye ee ay garabsaneyso.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: