War Deg Deg ah: Afar Taangi oo laga gubay Ciidamada AMISOM iyo Dagaalkii C/Caziiz oo lagu kala baxay (Xog dhab ah).

Waxaa sii kordhaya khasraaha Ciidamada Shisheeye kasoo gaaraya dagaallo culus oo weli ka socdo xaafado katirsan degmada Shibis magaalada Muqdisho oo shalay ka Nabdooneed dagaaladii ka socday degmada C/caziiz.

War Goordhaw nasoo gaaray ayaa xaqiijinaya in Gaadiid Beebayaal ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM lagu gubay agagaarka shirkadda NATIONLINK degmada Shibis waxaana halkaasi ka socda dagaal gacmaha layskula jira.

Sarkaal katirsan Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin oo Goordhaw Khadka Taleefanka kula xariirtay SomaliMemo.com isagoo ku sugan Jiidda dagaalka ayaa noo xaqiijiyay in Gubashada gaadiidka AMISOM ay sii caga cagaynayso 4 gaari oo kuwa dagaalka ah.

Wuxuu sarkaalku sheegay in lagubay Hal taangi 2 Beebe iyo Gaari kale oo saad u weday Ciidanka AMISOM oo ay saaraayeen Maleeshiyo katirsan dowladda KMG ah.

Dagaalka ayaa hadda si goos goos ah uga socda Nasiib Buundo ilaa iyo agagaaraha Shirkadaha oo ay AMISOM ku difaacanayaan taangiyada ka gubtay iyo Maydad dagaalka looga dilay.

AMISOM ayaa la fajacsan awooda ay islaamiyiinta u yeesheen in ay iska difaacaan Taangiyadii ay ku faani jireen, waxaa lamaqlayaa Takbiir iyo Tahliil ay xoogaga Mujaahidiinta ah ku dhawaaqayeen markii ay Indhahodoa saareen Ololka Gadiidka AMISOM.

Dhanka kale waxaa istaagay dagaalkii cuslaa ee saaka ka bilaawday Inta udhaxaysa Hotel Global iyo Xeradii Gaadiidka waxayna saraakiisha Mujaahidiinta noo sheegeen in dagalkaasi laysku mari waaye balse AMISOM ay soo jabsatay difaacyadii Nasiib Buundo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: