Sheykh Fu’aad Max’med Khalaf oo Ka hadlay Duulaanka Mareykanka ee Somalia iyo dilalka ka dhaca Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shaacisay in ay u dhabar adaygi doonaan xaalad walba oo Mujaahidiinta iyo shacabka kasoo wajahda duulaamada gaalada ay la damacsanyihiin gobalada ay maamulaan Xoogaga Mujaahidiinta.

Sheykh Fu’aad Maxamed Khalaf oo katirsan saraakiishasa sar sare ee Xarakada Shabaaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in hadii Mareykanku kusoo duulo Somalia ay Khasaara xoogan dhabarka u saarin doonaan iyagoo kaashanaya alle iyo shacabka Muslimiinta ah.

Sheykh Fu’aad wuxuu ugu baaqay shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay diyaariyaan Maal iyo Naf si looga hortago duulaan Saaliibi Xaaqid ah oo ay wajahi doonaan Muslimiinta ku dhaqan Koonfurta Somalia.

Mas’uulkan katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin wuxuu carrabka ku dhiftay in cudud ciidan aysan wax tarin balse Mujaahidiintu ku tashanayaan Iimaan dhab ah iyo sugnaan ay ku qaabilaan Saliibiyiinta Mareykanka hadii ay isku dayaan duulaan toos ah oo ay kusoo qaadaan Somalia.

“Gaalada Mareykanka waxaan u sheegaynaa in aan diyaar u nahay dagaal Barakaysan oo aan la galno hadii ay nasoo weeraraan, mareykanka iyo Mujaahidiinta hadda way ku dagaalamaan Muqdisho iyo gobalada dhexe waxaan ognahay in Gaalada Africanka ah ee xamar jooga iyo Murtadiinta shariifka ay u shaqeeyaan Mareykanka hadii uu toos usoo galo waan soo dhawaynaynaa”ayuu yiri Sheykh Fu’aad.

Dhanka kale Sheykh Fu’aad wuxuu Cambaareeyay dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee loo gaysanyo saraakiil Mujaahidiinta katirsan isagoo Sheykhu arrintaas ka hadlayay wuxuu yidhi “Muslimiinta waxaan u sheegaynaa in dilalka ka dhacaya Bakaaro uu fuliyay cadawga ilaahey,gacan cadaw ayuu fulisay dilalkaas waxay doonayaan in mujaahidiintu ay is dagaalaan maalin qura ayay dileen saraakiil Mujaahidiin ah iyo ganacsato bakaaro ku sugnaa, maqsadka ay leeyihiin cadawga ayaa ah in ay dhahaan iyagii ayaa is dilaya maqsadka kale ayaa ah in dhulka mujaahidiinta ee Nabadda ah ay ka dhigaan meel Nabad gelyo xumo ah sida meelaha ay joogaan oo dadka loogu dhaco looguna dilo,mujaahidiinta waxaan u sheegayaa waa walaalo waa in ay soo qabtaan ciddii dilalka gaysatay cadawga ilaahey waa jabay aan is raacino oo aan iska qabano kuwa hagar daamada wada”.

Hadalka Sheykh Fu’aad ayaa imaanaya xilli dhawaan gudaha Suuqa Bakaaraha lagu dilay Barre Cali Barre oo katirsanaa Saraakiisha Xisbul islaam iyo Ganacsato rayid ah oo laga yaqiinay Suuqa Bakaaraha ilaa iyo hadane aan la ogaan cidda dishay dadkaasi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: