Khasaara Culus oo Shacabka Rayidka ah kasoo gaartay Madaafiic ay Cadawga AMISOM ku garaaceen degmada Yaaqshiid.

Khasaara aad u xoogan ayaa shacabka Rayidka ah kasoo gaaray duqaymo culus oo shalay gelinkii ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan Bariga magaalada Muqdisho, Maydad hor leh oo ku dhintay duqaymihii gaalada AMISOM ayaa saaka laga helay degmada Yaaqshiid.

Maydadka 2 qof oo ku dhintay madaafiicdii shalay ayaa saaka laga helay xaafadda Juungal degmada Yaaqshiid oo shalay ay ku baaba’een dad badan oo Rayid ah, goob joogayaal ayaa sheegay in dhimashadii ka dhalatay madaafiicdii Juungal ay gaartay 12 qof.

Khasaaraha ugu daran ayaa ka dhashay Suuq yaraha xaafadda Juungal degmada Yaaqshiid oo Cadawga AMISOM ku garaaceen shacabka degmada Yaaqshiid ayaa saaka bilaabay in ay Barakac sameeyaan kadib markii ay u adkaysan waayeen madaafiicda kusoo dhacaysa.

Cali Muuse Cabdi madaxa gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa sheegay in Isbitaalada magaalada Muqdisho ay geeyeen 35 qof oo siyaaba kala gedisan ugu dhaawacmay madaafiicdii shalay lagu garaacay degmooyinka dhaca dhanka bari ee magaalada Muqdisho.

Markasta oo ay ciidamada Saliibiga AMISOM duqeeyaan xaafadaha magaalada ayaa larumaysanyahay in khasaara xoogan uu soo gaaray Maleeshiyada dowladda KMG ah ee dagaalada la gasha Mujaahidiinta ka dagaalamo Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: