Dowro Sharci oo loogu magac daray “Sheykh Khaalid Raashid” oo ka bilaabatay magaalada Kismaayo

Wilaayada islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gobalada Jubbooyinka iyo Maktabka Iclaamka Al Shabaab ayaa Dowrci sharci ah oo aad uqiima badan magaalada Kismaayo uga furtay shaqaalaha Wilaayaadka Islaamiga ee ka jira Gobalada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Siminaarkan Islaamiga ah oo loogu magac daray Sheykh Khaalid Raashid waxaa loo qabtay ku dhawaad 60 qof oo katirsan Howl-wadeenada Wilaayada Islaamiga ee ka jira degmooyinka Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe waaana lagu baranayaa qaybo badan oo ku saabsan maamulka iyo Maareynta.

Mid kamida ka qayb galayaasha Dowrada ayaa SomaliMemo.com u sheegay in ay ku farxeen furitaanka Dowradan shacriga ah oo ay duruus ka bixinayaan Culimo Khubaro ku xeel dheer arrimaha Maamulka islaamiga iyo Tadbiiqicdda shareecada Islaamka.

Dadka loo qabanayo Siminaarka ayaa lagasoo kala xulay magaalooyinka kala ah Kismaayo,Bu’aale,Jamaame,Jilib,Saakow,Salagle,Afmadoow,Dhoobleey,Badhaadhe,Xagar iyo deegaanno hoos yimaad magaalooyinka waaweyn ee gobalada Jubbooyinka, K/xigeenka waaliga Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka Sheykh Xuseen Cabdi Geedi oo Kalimad ka jeediyay furitaankii Dowrada ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii loo dhisi lahaa tacliinta diiniga ah ee Umadda islamarkaana madaxda wilaayaadka ay shacabka ugaarsiin lahaayeen maamul wanaag Islaami ah.

Saraakiil ka socotay Maxktabka Iclaamka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo iyana ka hadlay Munaasabadii furitaanka Dowrada ayaa uga mahad celiyay howl-wadeenada wilaayaadka Islaamiga jubbooyinka sida ay magaalooyinka ugusoo rogeen ku dhaqanka shareecada islaamka.

Inta ay socoto Dowrada Sharciga ah waxaa lagu baran doonaa “Cowlamatul Jihaad” oo ah in la Caalamiyeeyo Jihaadka ka socda caalamka islamarkaana laga gudbo Jihaadka ku dhisan gobal gobalaysiga , Somalia ayaa kamid ah meelaha uu ka socdo Jihaadka caalamiga ah ee ku xiran Mujaahidiinta caalamka.

Gaba Gabada Dowrada Sharicga ah ayaa lafilayaa in Kawaadirta Wilaayaadka Jubbooyinka ay kusoo bandhigaan wixii ay ka faa’iideen Siminaarka Islaamiga ah ee loo qabtay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: