War Deg Deg ah: Ciidamada Mujaahidiinta oo la wareegay gebi ahaanba Waqooyiga magaalada Muqdisho iyo Sheykh Cali Dheere oo Shir Jaraa’id ku qabtay Jiidda Dagaalka.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shaaca ka qaaday in ay la wareegtay gacan ku haynta deegaanno dhowr ah oo ay horay ugu sugnaayeen Maleeshiyaad taabacsan dowladda KMG Somalia kadib dagaallo culus oo saaka ka dhacay dhowr jiho. 

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheykh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo Goordhaw shir Jaraa’id ku qabtay Jiidda hore ee Dagaalka ayaa shaaciyay in lasoo dhamaystiray gacan ku haynta degmooyinka dhaca Bariga magaalada Muqdisho dadka qaarna u yaqaanaan “Waqooyiga Muqdisho”.

Sheykh Cali Dheere xiligii uu shirka Jaraa’id qabanayay wuxuu dul taagnaa Difaacyadii laga Eryay maleeshiyada dowlada KMG ah sida ay soo sheegeen Saxafiyiinta magaalada Muqdisho, xoogaga Mujaahidiinta ah ayaa hadda gacanta ku haya degmooyinka Shibis iyo C/casiis magaalada Muqdisho.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay sheegtay in dagaalka ay si midaysan u galeen Mujaahidiinta halka dhanka kale ay u dhamaayeen dagaalka dowladda KMG ah iyo xulufadeeda AMISOM, Afhayeenka Shababaul Mujaahidiin wuxuu ku goodiyay in Mujaahidiintu ay saacadaha soo socda tegi doonaan X/weyne iyo Shangaani.

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa kulaalaya Villa Somalia waxaana Islaamiyiinta lagu arkayaa Baar Viat iyo Isgoyska Jubba waana khatar kale oo ay lakulmayaan AMISOM iyo DKMG ah ee dhamaantood isku kaashaday ladagaalanka diinta alle.

Deegaanada ay Mujaahidiintu kala wareegeen DKMG ah waxaa kamid ah Xeradii Gaadiidka,Dekadii Duqda, Bar Viat,Nasiib Buundo,Maanabooliyo, iyo dhamaanba fariisimadii laysku hor fadhiyay muddo ku dhaw sanad.

Jabkan soo gaaray Dowlada KMG ah wuxuu kusoo aadayaa xilli Shariif Sheykh Axmed iyo Mareykanka sheegeen in ay weerar saf ah ku qaadayaan deegaanada ay Muqdisho iyo gobalada kale ka maamulaan xoogaga Mujaahidiinta ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: