Sarkaal katirsan Garabka Axmed Madoobe oo Madaxda Xisbul Islaam ugu baaqay in ay Dowladda KMG ah la Midoobaan si loo wiiqo Awoodda Shabaabul Mujaahidiin.

Sarkaal katirsan Ururka Xisbul Islaam Garabka Axmed Madoobe ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dilkii shalay loo gaystay Barre Cali Barre oo kamid ahaa saraakiisha xoogaga Mujaahidiinta ee Somalia ka weday dagaalada Jihaadka ah.

Cabdi Naasir Seeraar oo sheegtay in uu yahay madaxa arrimaha Dibadda Xisbul islaam oo Waraysi dheer siiyay Idaacadda ku hadasha Afka dowlada KMG ah iyo AMISOM ayaa sheegay in Barre Cali Barre ay u aari doonaan islamarkaana ay dileen mid kamida Xoogaga Mujaahidiinta ah sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan sheegtay in uu Xisbul Islaam katirsanyahay wuxuu ugu baaqay Madaxda Xisbul Islaam in ay la Midoobaan dowladda KMG ah si looga adkaado Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo uu sheegay in ay caqabad ku yihiin xariir dhaxmara Somalia iyo Caalamka intiisa kale.

“Barre Cali Barre cidda dishay waan naqaan waana u aari doonaa, waxaan rabaa in aan baaq u diro Madaxda Xisbul Islaam iyo Shacabka oo aan ugu baaqayo in ay la Midoobaan dowlada KMG ah si meesha looga saaro Cadawga Shabaab, hadii Xisbul islaam iyo dowladu aysan midoobin arrinta shabaab faraha ayay kasii baxaysaa wadanka oo dhana way qabsan” ayuu yiri Seeraar.

Cabdi Naasir Seeraar oo kamid ah saraakiisha Axmed Madoobe ee ku sugan Gaarisa wuxuu si cad u sheegay in Xisbigiisu ay aqaansanyihiin Dowlada KMG ah islamarkaana ay wadaan dadaallo ay madaxda Xisbul Islaam uga dhaa dhicinayaan in dowladda lala midoobo.

Sarkaalkan u hadlay Axmed Madoobe ayaa u muuqday mid bahdil ku samanayay Mujaahidiinta Xisbul Islaam si loo xumeeyo xiriirka u dhexeeya Islaamiyiinta dagaalada kula jira AMISOM iyo Maleeshiyada dowlada KMG ah.

Cabdi Naasir Seeraar oo Axmed Madoobe u qaabilsan isku xirka Kenya iyo ONLF ayaan la ogayn Mas’uuliyadda uu Xisbul Islaam u hayo waloow Xisbul Islaam sheegteen in Axmed Madoobe uu Mas’uuliyiintooda kamid yahay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: