Guutooyin katirsan Mujaahidiinta oo la wareegay Fariisimadii Maleeshiyada DKMG ay ku lahaayeen Waqooyiga Muqdisho iyo Dagaallo Culus oo socda (Xog dhamaystiran).

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo Culus oo saaka aroortii ka bilaawday xaafado katirsan degmooyinka Shibis iyo C/casiis magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeya Xoogaga Mujaahidiinta iyo Maleeshiyada dowladda KMG ah.

Saraakiil katirsan Shabaabul Mujaahidiin oo lasoo xariiray SomaliMemo.com ayaa faah faahin buuxda ka bixiyay qaabka uu u socda dagaalka iyo Jihooyinka laga weeraray Maleeshiyaadka dowladda KMG ah.

Dagaalka oo ah mid xeeladaysan ayaa Musiibo ku noqday Maleeshiyada dowlad kadib markii Mujaahidiintu aagag badan ka wareerareen Ciidanka DKMG ah, Saraakiisha Shabaab waxay noo xaqiijiyeen in Xalay Saqdii dhexe Zaxfi lagu sameeyay fariisimada Maleeshiyada islamarkaana la dul degay goobo ay Maleeshiyada dowladu ka joogeen C/casiis iyo Shibis saacad kadibna waxaa bilaawday dagaal dhan walba ah.

Waxaa laxaqiijiyay in dagaalku marqura uu maleeshiyada dowlada ku qabsaday Difaacyadii ay joogeen oo ladul degay xalay saqdii dhexe waxaana jira Khasaara aad u badan oo gaaray Ciidankii u dagaalamayay dowladda KMG ah oo badankood iyagoo Maydad ah saaka yaal dhufaysyadii ay ku sugnaayeen kadib markii ay heleen Toogatayaal Mujaahidiinta katirsan.

 

SomaliMemo.com oo saacad walba faah faahin dheeri ka haleysa Dagaalka waxay ogaatay in Mujaahidiintu ay weeraro gaadmo ah ku qaadeen Fariisin weyn oo ay Maleeshiyada dowlada KMG ah ku lahaayeen Xeebta Liido waxaana halkaasi lagu gubay Gaari Dagaal oo ay wateen Maleeshiyada DKMG ah waxaa kale oo lala wareegay Hub badan oo difacyada u yiilay.

Markii dagaalku muddo saacad ah ka socday C/casiis oo Maleeshiyaadkii dowladda lagala wareegay fariisimadii ay joogeen islamarkaana ay duqaymo xoogan socdaan ayay Xoogag kale oo Mujaahidiinta ah Weeraro Dhabar Jebin ah ka sameeyeen aaga Nasiib Buundo taas oo dhalisay in Maleeshiyaadka dowlada isugu biya shubtaan Shangaani iyo X.weyne welina waxaa socda dagaal culus.

Aaga Nasiib Buundo Mujaahidiintu waxay gaareen Maanabooliyo halka Maleeshiyada DKM ah ay joogaan Hotel Jubbaa iyo dagaanda safaaradihii hore ee Talyaaniga waxaana socda dagaal culus oo ka dhacaya agagaarka Iskuulka Saacid iyo Hotel Amaana.

Xaaladda ayaa aad ukacsan lama oga in Ciidanka AMISOM ay dagaalka kasoo qayb geli doonaan iyo in kale maadaama aad loo durjiyay Maleeshiyada dowlada KMG ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: