Yuusuf Indho Cadde oo ka Xanaaqay Heshiisyada ka dhaxmaraya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Beelaha Soomaaliyeed ee taageeray Jihaadka.

Saraakiil katirsan dowlada KMG ah ee uu Hogaamiyo Shariif Sheykh Axmed ayaa aad uga xanaaqay Heshiisyada dhaxmaraya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Beelaha Somalida ee ku dhaqan gobalada dalka Somalia.

Kadib markii ay soo bateen Beelaha Soomaaliyeed ee Hubkooda ku wareejinaya Mujaahidiinta ayay arrinkaas ka qaracmeen wasiirada dowlada KMG ah ee gaalada la shaqaysa sida uu muujiyay Yuusuf Indha Cadde oo dowlada shariifka katirsan.

Wasiiru Dowlaha G/dhigga DKMG ah oo maalmahan Idaacadda Shabelle ka dhigtay Aalad uu Fikirkiisa kusoo bandhigo ayaa sheegay in Shabaabul Mujaahidiin aysan wax Heshiisyo ah lagaarin Beelo balse ay Hub ka xoogeen Beelo “laan gaab ah” sida uu Indha Cadde aaminsanyahay.

Dagaal Ooge Indho Cadde wuxuu wax laga naxo ku tilmaamay in Beelaha dega Gobalada Bay, Bakool iyo Jubbooyinka iyo Gedo hubkooda ku wareejiyaan Shabaabul Mujaahidiin isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid beelahaasi Khasaare u keeni karta.

Indho Cadde oo horay u dhibaateeyay Shacabka ku dhaqan Gobalka Sh/Hoose ayaa markale jeclaan lahaa in uu arko beelaha Muslimiinta ah oo u Nugul dhibaato ay u gaystaan Maleeshiyaadkiisa iyo dowlada Shariifka.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo maalmihii lasoo dhaafay Heshiishyo ku aadan ku dhaqanka shareecada Islaamka lagelaysay Beelo caan ka ah Koonfurta Somalia ayaa weji gabax ku riday madaxda dowladda oo aad ula qaracmay in Beelo ay Hubkoodii iyo dhalinyaradoodii ku biiriyaan Jihaadka alle.

Wasiiru Dowlle Indho Cadde wuxuu si gaar ah isku xejiyay Beelaha dega Guriceel iyo Dh.mareeb isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay Heshiiskii dhaxmaray Beesha Yabardhoora kace iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Yuusuf Indho Cadde ayaa ah sarkaal ka duwan saraakiisha dowlada KMG ah wuxuuna mar walba isku muujiyaa Qabweynin iyo in uu yahay Wasiiru Dowlle Tun weyn oo galaan gal ku leh Beelaha dego qaybo kamid ah Somalia taas oo aan waxba utarin dowlada uu katirsanyahay.

Si kastaba ha ahaatee Isgarabsiga diiniga ah ee ka dhexeeya Mujaahidiinta iyo Beelaha Soomaaliyeed ee Muslimka ah ayaa naxdin ku abuuray Dowlada KMG ah iyo Cadawga Saliibiga ah oo cabsi ka qaba in xiligan ay Jihaadka qayb ka noqdaan beelaha Somalida oo aan looga baran in ay diin u dagaalamaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: