Wilaayada Jubooyinka iyo Beesha Absame oo Mubaayaco galey.

Xili maal mihii ugu dambeeyey wilaayada Islaamiga ah ee jubooyinka ay wadey inay mubaayacooyin laga gasho beelaha dega gobolada jubooyinka ayaa Wilaayada Islaamiga ah waxey maalintii shaley aheyd magaalada Afmadow ee gobolka jubada dhexe waxey heshiis ama mubaayaco kula gashey beesha Absame oo ka mid ah beelaha dega jubooyinka.
Munaasabad lagu soo bandhigayey heshiis dhoor qodob ka kooban ayaa ka dhacdey degmada Afmadow waxaana munaasabadaasi oo ay soo xaadireen Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo Odayaasha beesha Absame lagu shaaciyey qodobadii ay wada gaareen labada dhinac.
Mas’uuliyiin ka tirsan wilaayada Jubooyinka oo ka Hadley munaasabadaasi ayaa beesha Absame waxey kaga mahad celiyeen Mubaacyada ay la galeen waxeyna Mas’uuliyiinta Shabaabul Mujaahidiin ay balan qaadeen in shareecada Islaamka ay ka hir gelin doonaan guud ahaan gobolada jubooyinka.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka Hadley qaar ka tirsan Odayaasha iyo waxgaradka beesha Absame oo sheegey in Wilaayada Islaamiga ah ee jubooyinka ay kula heshiiyeen sidii loo garab istaagi lahaa Maamulka Islaamiga ah ee hadda ka jira gobolada Jubooyinka iyo sidii wilaayada gacan loogu siin lahaa inay iska difaacdo duulaan walba oo taxadi ku ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Maal mihii lasoo dhaafey wilaayada jubooyinka waxey wadey dadaalo ay ku dooneyso sidii ay Mubaayaco kula geli laheyd beelaha kala duwan ee dega jubooyinka waxaana wilaayada kol hore ay mubaayacooyin la gashey Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha kala ah Harti,Sade,Coormale iyo hadda oo Mubaayaco la gashey Beesha Abasame.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: