Wafdi ka socda Garab Qabuura Galeen Cusub ah oo Maanta u Dhoofay magaalada Addis Ababa dalka Itoobiya iyo Heshiis ay Saxiixayaan.

Dowladda Itoobiya ayaa markale bilaabaysa abaabul hor leh oo ay ku samaynayso Qabuura Galeenka  oo ku fashilmay abaabulkii dagaal oo ay ka sameeyeen degmooyin katirsan gobalka G/gaduud.

Itoobiya waxay hadda doonaysaa in ay Muqdisho ku abaabusho Qabuura Galeen cusub xilli Dowlada KMG ah ay qaati ka taagantahay dagaalada uga imaanaya Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo magaalada meelo badan ka qabsaday.

Wafdi balaaran oo ay hogaaminayaan Saraakiil katirsan Qabuur galeenkii G/gaduud iyo Qabuura Galeen cusub ayaa maanta u duulaya magaalada Addis ababa dalka Itoobiya si ay Wadahadal qandaraas ah ulasoo galaan Tikreega.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa SomaliMemo.com u xaqiijiyay in maanta saacado marka ay tahay 10:00-ka barqanimo ay Garoonka Muqdisho ka dhoofayaan Wafdi ay horkacayaan Cumar Sheekh Max’med Faarax oo ahaa Gudoomiyihii Qabuura Galeenka ugu magacaawnaa G/gaduud iyo C/qaadir Soomow oo kamid ah Dariiqada Suufida balse hadda doonaya in uu wax ka qaato Qandaraaska Itoobiya.

Weriye ku sugan magaalada Muqdisho oo Xalay Khadka Taleefanka Mobille-ka kula hadlay Soomow ayuu u xaqiijiyay in Maanta oo Talaado ah ay u dhoofayaan Addis Ababa si ay halkaasi wadahadallo ugulasoo yeeshaan Males Zanawi islamarkaana Heshiis kama dambays ah ugula galaan dowladda.

Garabkan Qabuura Galeenka ah waxaa hor boodaya Cumar Maxamed Faarax oo kasoo go’ay qabuura Galeenkii G/gaduud oo kala tegay kadib markii ay isku qabteen in lagu biiro dowlada KMG ah ee shariif Hogaamiyo.

Soomow iyo Wafdiga maanta baxaya waxay bedeli doonaan Macalin Maxamuud Saxiixihii Heshiiskii Addis Ababa oo hadda Guriceel ku sugan islamarkaana loo diiday in uu dib ugu laabto Magaalada Addis Ababa.

Wararka ayaa intaas raacinaya in Shariif Xasan Sheykh Aadan iyo wasiiro katirsan dowlada KMG ah ay AddisAbaba soo mari doonaan marka ay soo dhamaystaan safarka London kadibna ay saxiixi doonaan Heshiis Magac uyaal ah.

Waxaa aad u adag in Qabuura Galeenka ay kacdoon ka sameeyaan magaalada Muqdisho iyo gobalada ku dhaw oo ay aad ugu tarmeen dhalinyaro Saxwiyiin ah oo aad ugu baraarugsan waxyaabaha shirkiyaadka ah oo ay Qabuura Galeenku ku caan baxeen.

Ugu Yaraan Soomow iyo Cumar Maxamed Faarax waxay Itoobiya ka heli karaan dhaqaale iyo Hub laakin hubka wuxuu geli doonaan gacanta dowlada KMG ah oo aan ogolayn in Muqdisho ay ka dagaalanto cid aan Ciidankeeda ahayn.

Kala socodka Qabuura Galeenka ayaa yimid kadib markii Shabaabul Mujaahidiin ay Awood ciidan iyo Mid siyaasadeed ku kala furfurtay Awoodii Qabuura Galeenka ee Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaana Isbahaysigaasi ka baxay beelo Muhiim u ahaa Isbahaysigaasi sida beelaha C/waaq iyo Xeraalle oo hadda banaanka ka taagan .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: