Sheykh Cali Dheere ” Mar Walba oo ay Acdaa’da Alle Isbahaysi noo noqdaan Iimaan iyo Awood ayaa noo Siyaadaysa Gaalada Ingiriiska sidaas ha ogaadaano”.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheykh Cali Maxamuud Raage Sheykh Cali Dheere oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay hadal ay dhawaan sheegtay Dowladda Ingiriiska kaas oo ku aadanaa in ay AL-shabaabul Mujaahidiin ay ku dareen Liiska waxa loogu yeero Argagaxisada.

 Afhayeenka ayaa sheegay in xayiraadda ay kusoo rogtay dowladda UK aysan waxba u dhimayn Mujaahidiinta Al Shabaab balse dhibaato lala damacsanyahay Jaaliyadaha Somalida ee ku nool wadanka Ingiriiska.

Sheykh Cali Dheere wuxuu soo hadal qaaday Socdaalka Shariif Sheykh Axmed Madaxa Dowlada KMG ah uu ku joogo wadanka Ingiriiska wuxuuna ku tilmaamay mid shirqool ah oo lagu doonayo in Jaaliyadda Somalida lagu banaysto hantidooda.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay ku tilmaantay Go’aankii ay qaadatay dowlada  Ingiriiska mid fulaynimo ah balse dhanka Mujaahidiinta u wanaagsan “Mar kasta oo Isbahaysiga gaalada bato waxaa Mujaahidiinta u Siyaadaya Iimaan iyo Awood sida uu alle qur’aankiisa noogu sheegay”ayuu yiri Sheykh Cali Dheere.
Shirka Jaraa’id ee uu Afhayeenku qabtay waxaa lagu weydiiyay su’aalo dhowr ah oo ku aadan Goodis Mujaahidiinta Somalia uga imaanaysa gaalada caalamka iyo Dowlada KMG ah ee gaalada lashaqaysa oo maalmihii lasoo dhaafay ku hanjabayay in ay weerarayaan degmooyinka iyo gobalada ay Mujaahidiinta maamulaan.

Wuxuu sheegay in Warkii lagu baahiyay NY Times uu ahaa mid Niyada loogu dhisayo Koox uu ku Tilmaamay Riddo oo ku dhiban magaalada Muqdisho oo uu ula jeeday Dowlada KMG ah ee uu hogaamiyo Shariif Sheykh Axmed.

Ugu dambayntii Sheykh Cali dheere wuxuu soo hadal qaaday halka ay ku dambeeyeen Dagaaladii G/gaduud ee u dhexeeyay Mujaahidiinta iyo Maleeshiyaadka Qabuura Galeenka ah isagoona sheegay in Isbahaysigaasi Tikreega uu fashilmay islamarkaana maalmaha soo socda shacabka G/gaduud ay arki doonaan Nasri weyn.

Jawaabta kasoo yeertay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kusoo aadaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay dowladaha Ingiriiska iyo Canada ay sheegayeen in Liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ay ku dareen Mujaahidiinta Al Shabaab waxaase lays weydiinayaan sida ay Shabaabul Mujaahidiin u saamayn karaan xayiraadahaasi maadaama aysan Shabaab Xafiisyo ku lahayn wadamada Gaalada oo Argagxiso u yaqaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: