Maleeshiyo kawada tirsan Dowlada KMG ah oo Qaab beeleed ugu dagaalantay magaalada Muqdisho.

Maleeshiyo kawada tirsan dowlada KMG Somalia ayaa ku dagaalantay xaafado katirsan degmooyinka Shibis iyo Shangaani oo ay ka furanyihiin aagag dagaal oo u dhexeeya Islaamiyiinta iyo dowladda Shariifka ee gaalada la shaqaysa.

 Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in 3 Maleeshiyo iyo qof Rayid ah ay ku dhinteen dagaal shalay gelinkii dambe ilaa iyo xalay ka socday Shibis iyo Shangaani kaas oo u dhexeeyay Maleeshiyada dowladda oo qaab beeleed isku haya.

Kulmiye Yeberow Haruur oo dowlada KMG ah u qaabilsan Shibis ayaa sheegay in Ciidamad dowladu ay dagaalameen iyagoo u kala baxay labada Beel taasina ay sababtay in Maleeshiyo badan ay soo baneeyaan difaacyada.

Xoogaga Mujaahidiinta ee fariisimada ku leh degmada Shibis ayaa iyana dhaq dhaqaaqyo sameeyay markii ay dagaalameen Maleehiyada kawada tirsan DkMG ah taas oo sababtay in cabsi xoogan soo wajahdo saraakiil dowlada katirsan oo degan agagaarka Hotelka Jubbaa degmada Shangaani.

Dagaalka dhaxmaray labada Maleeshiyo ayaa yimid kadib markii ay isku qabteen lacago gunna ah oo lasiiyay mid kamida beelaha Maleeshiyaadka dagaalamay kadibna waxaa dhacday in toogasho loo gaysto Ninkii lacagta kasoo qaaday Villa Somalia sidaasna waxaa ku bilaawday dagaal qaab beeleed u abaabulan.

Dowlada KMG ayaa qaab beeleed u dagaal gelisay Maleeshiyaadka kasoo jeeda Bariga magaalada Muqdisho taas oo keentay in Saraakiil badan ay dowlada KMG ah ka lunsadaan dhaqaale loogu tala galay in lagu dagaal geliyo Maleeshiyada DKMG ah u dagaalanta.

Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan waxaana difaacyada dhaq dhaqaaqyo ka wada Mujaahidiinta oo doonaya in ay ka faa’iidaystaan colaada ka dhax oogan Maleeshiyaadka dowladda ee Gaalada la shaqeeya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: