Beesha Harti daarood oo Beyco la gashey Wilaayada islaamiga ah ee jubooyinka.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Harti daarood  ee gobolada jubooyinka ayaa heshiis beyco ah waxey la galeen wilaayada islaamiga ah ee jubooyinka iyadoona goobta ay ka dhaceysey beycada ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Waaliga wilaayada jubooyinka ee Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Abuubakar Cali Aadan oo ka hadley Beycada ay la gaareen Beesha Harti wuxuu si weyn usoo dhaweeyey go’aanka ay beeshaashi ku gaartey inay u gargaarto  diinta islaamka  wuxuuna yiri:
“ beeshan waxey ka mid aheyd beelaha hormuudka ah horeyna way ugaleen Beyco tan lamid ah,beycadan ilaahey subxaanahu watacaalaa haka dhigo mid barakeysan Mujaahidiinta horey waxey uwadeen camalkan caamka ah oo umadda ka dhaxeeya”.
Sheekh Abuubakar Cali Aadan wuxuu xusey in beesha Harti ay balan qaadey inay garab istaagi doonto Kitaabka Allah islamarkaana ay dhexda u xiran doonto sidii Shareecada islaamka loogu maamuli lahaa deegaanada ay beesha degto ee gobolada jubooyinka.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka Hadley Sheekh Xuseen Cali fiidow oo ah Madaxa Xafiiska Siyaasadda iyo Xiriirka gobolada ee Xarakada Mujaahiinta Alshabaab wuxuuna Sheekh Xuseen  fiidow sheegey inay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay Mubaayaco kula galaan guud ahaan beelaha degen wilaayaadka islaamiga ah ee koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.
Heshiiska ay wilaayada jubooyinka la gaartey beesha Harti ee gobolada jubooyinka ayaa waxa uu imaanaya maalmo yar kadib markii Odayaasha iyo waxgaradka beesha Cowrmale ay Mubaayaco noocaan oo kale ah ay la galeen Wilaayada islaamiga ah ee jubooyinka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: