Wilaayada Gobolka Banaadir ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dib uh owl geliyey Kawaankii hore ee Suuqa Xoolaha.

Kadib dayactir balaaran oo wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab uqaabilsan gobolka Banaadir  ay dhawaanahan ka wadey  Kawaankii hore ee Dayax ayaa waxaa maanta suuro gashey in dib loo furo Kawaankaasi.
Kawaankan oo kuyaala Suuqii hore ee Dayax ayaa waxaa dayactirkiisu ay ka dambeysey kadib markii wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee gobolka Banaadir ay dadaal dheer ugashey sidii dib loogu hool gelin lahaa Kawaankaasi oo muddo dheer howshiishu ay hakad ku jirtey.
Waaliga wilaayada gobolka Banaadir ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheykh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegey  in maanta iyo wixii ka dambeeya uu kawaankaasi yahey mid furan wuxuuna ugu baaqey Shacabka ku nool gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Heliwaa inay adeegsadaan kawaankaasi.

Dayactirka ay wilaayda Banaadir ee Xarakada Shabaabul mujaahidiin ay maanta ku  sameysey  kawaanka Dayax ayaa waxa uu qeyb ka yahey howlo dayactir iyo hagaajin isugu jira oo wilaayadu ay mudooyinkii udambeysey ka wadey gobolka Banaadir iyadoona shacbiga ku nool.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: