Saraakiil Xisbul Islaam ka tirsan oo ka carooday hadal uu Sh Xasan Daahir ku Af lagaadeeyay Sh Xasan Turki oo horay Xisbiga uga tirsanaa.

Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhaxgalay Saraakiisha ugu saraysa Ururka Xisbul Islaam ka dib markii Ururku uu ku kala qaybsamay ka mid ahaashiyaha Axmed Madoobe oo saraakiil ka tirsan Xisbiga ay sheegeen in uu Xisbiga ka mid yahay halka kuwa kalena ay ka soo horjeedaan.

 

 Sheykh Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha Xisbul Islaam ayaa si kulul u weeraray Saraakiisha Xisbiga ee ku sugan gobalka Gedo oo uu sheegay in ay yihiin kuwa fikir qaloocan oo aan ka tarjumayn rabitaanka Xisbul Islaam.

Sh Aweys wuxuu si cad u sheegay in cid walba ay xariir layeelan karto wadamada caalamka taasina aysan ahayn mid khilaafsan Islaamka “Cid walba waxay musaanado ka heshaa meelo kale, hadii Kenya aan dhaawac gaysano maxaa ku jaban, xiligii maxaakimta ee itoobiya nasoo weerartay dhaawacyada Kenya ayaan galinay hadda  waa caadi in dhaawacyada Xisbiga kenya la geeyo caafimaadka dadka oo dhan ayuu ka dhexeeyaa wax ku jaban malahan in dadka dhaawacyada ah Kenya aan caafimaad ahaan ugaysano Axmed Madoobe sidaas ayuu yeelay”ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Markii warka Sh Xasan Daahir Aweys soo baxay guux ayaa ka yimid saraakiisha Xisbul Islaam ee ka soo horjeeda in Xisbigu uu soo dhawaysto Axmed Madoobe, ilo wareedyo aan helnay waxay xaqiijinayaa in saraakiisha Xisbul Islaam ay wada tashiyo kala leeyihiin sidii ay uga bixi lahaayeen Xisbiga.

Sh  Xasan Daahir Aweys ayaa si toos ah u aflagaadeeyay Sheykh Xasan Turki oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin wuxuuna sheegay in Sheykh Xasan Turki uu ka cararay madaxda Xisbiga islamarkaana uu khiyaanay Seedigiis sida uu hadalka u dhigay “Sheykh Xasan Turki Xisbigii uu gacantiisa ku dhisay ayuu ka cararay, waxaa ceeb ah in uu Axmed Madoobe oo seediigiis ah uu ka cararay oo Shabaab oo ladagaashan ku biiray waxaas wax ku haboon Islaamka maahan iyo dadnimada” ayuu hadalkiisa sii raciyay Sh Xasan Daahir.

Gudoomiyaha Xisbul islaam u qaabilsan gobalka Gedo balse maamula Luuq Sheykh Farxaan Ciilmooge oo xariiro lala sameeyay ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay Jawaab kulul uga bixi doonaan warkii shalay ka soo yeeray Hogaamiyahooda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: