Saraakiil ka tirsan Wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool oo soo gaaray deegaanno ka tirsan Buurhakaba.

 Saraakiil ka tirsan Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Gobalada Bay iyo Bakool ayaa socdaal ku maraya deegaano ka tirsan gobalka Bay gaar ahaan degmada Buurhakaba halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin waxgaradka deeganadaasi.

 

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Waaliga Wilaayada Islaamiga Gobalada Bay iyo Bakool Sheykh Mahad Cabdul Kariim ayaa gaaray deegaanka Buula Fuulaay oo hoosyimaad degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay waxayna kulamo muhiim ah laqaateen waxgaradka deegaanka oo ay kala hadleen ku dhaqanka shareecada islaamka.

Sheykh Mahad Cabdul Kariim iyo wafdigiisa waxay waxgaradka kala hadleen sidii dhanka dacwada looga dhisi lahaa Buula Fuulaay iyo Tuulooyinka hoos yimaada islamarkaana beelaha Gobalka Bay ay qayb uga qaadan lahaayeen dagaalada Jihaadka ah ee ka socda Soomaaliya.

Mid ka mid ah Nabadoonada Buurhakaba ayaa sheegay in Beelaha dega Buurhakabo ay dhawaan Mujaahidiinta ku wareejin doonaan hub iyo gaadiid dagaal oo ay uga qayb qaadanayaan dagaalada Jihaadka ah ee ka socda Soamaaliya.
Wilaayada Islaamka Bay iyo Bakool ayaa iyana balan qaaday in ay wax ka qaban doonto waxyaabaha ay u baahanyihiin shacabka degmada Buurhakaba sida sugidda amaanka iyo in ducaad dadka ka wacyi geliya xumaha ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u dirto tuulooyin hoos yimaada Buurhakaba.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Bay iyo Bakool ka dhacayay munaasabado ay beelaha Digil iyo Mirifle Mujaahidiinta ugu wareejinayeen hub iyo dhaqaale ay uga qayb qaadanayaan Jihaadka Soomaaliya ka socda, waxaana ka mid ah beelaha hubka wareejiyay Hubeer,Luwaay iyo Dabare oo dhamaantood dega Bay iyo Bakool.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: