Qabuura Galeenka Galgaduud oo laba garab u kala jabay iyo Cutubyo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin oo u dhaqaaqay magaalooyin Galgaduud ka tirsan. (Warbixin).

Khilaaf aad u xoogan ayaa ka dhax aloosan Qabuura galeenka maamula 3 degmo oo ka tirsan Gobalka G/gaduud gobalada dhexe ee Soomaaliya ka dib markii Itoobiya ay wax ka bedeshay siyaasadii ay Qabuura Galeenka kula dhaqmaysay.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Qabuura Galeenkii ay kala tageen ka dib markii ay heshiis awood qaybsi ah Addis Ababa kula galeen wasiiro ka socday DKMG ah ee uu madaxda u yahay Shariif Sheykh Axmed.

Wafdigii Qabuura Galeenka uga qayb galay shirkii Addis Ababa oo dib ugu soo laabtay G/gaduud ayaa diidmo adag kala kulmay horjoogayaal ka tirsan Qabuura Galeenka oo diidan in wax siyaasad ah lugta lagalaan.

Qabuura Galeenka ay Itoobiya sanad ka hor ka dhistay G/gaduud ayaa isugu jiray 3-qeybood oo kala aragti duwan balse ka midaysan in ay la dagaalamaan Mujaahidiinta islamarkaana aan dalka lagu dhaqin shareecada Islaamka ugu yaraan G/gaduud.

Qayb ayaa dagaalka u gashay in ay difaacdaan Qabuuraha ay caabudaan,qayb ayaa dagaalka u galay in deegaanada ay degaan ay ka dhistaan maamul Calmaani ah oo iyaga hoos yimaada, qayb kale waxay aheyd mooryaan caan ka ahaa G/gaduud balse taageero ka helayay Qurbajoog qaab qabiil u doonayay in ay Siyaasadda uga dhax muuqdaan, dhamaantoodna waxaa taageeraysay Dowladda Itoobiya.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Qabuura galeenka C/waaq iyo Xeraale ay ka bexeen nidaamka wadahadalka galay islamarkaana ay diideen in ay Siyaasadda hadda jirta ku lug yeeshaan, Beelaha Xeraale iyo C/waaq oo naf iyo maal badan uga khasaartay dagaalkii Shabaabul Mujaahidiin lala galay waxay diidanyihiin in faraha lala galo wax ka baxsan Qabuura difaacid halka qabuura galeenka ka soo jeeda Guri Ceel iyo Dhuusamareeb ay usha uqaateen in ay xilal ka helaan Dowlada KMG ah.

Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa la sheegayaa in ay cadaadis saarayaan Beelaha C/waaq iyo Xeraale sidii ay u aqbali lahaayeen heshiiska lala galay Dowlada KMG ah oo ay dabada ka riixayaan Itoobiya iyo Qurba joogta maalgelisay maleeshiyada Albaxar oo qayb ka ah Qabuura Galeenka.

Inkastoo weli ay Tikreegu wadaan isku soo dhawayn hadana waxaa lakala diray maleeshiyadii Suufida ee Beelaha Xeraale iyo C/waaq waxaana la sheegay in ay dib ugu laabteen xoolahoodii iyo beerihii ay falan jireen ka dib markii laga leexday hanaankii difaacidda qabuura caabudka.

Beelaha dega Guriceel iyo Dh/mareeb ayaa iyana bilaabay in ay dhalinyaradooda kala baxaan Jiidda dagaalka ka dib markii ay kala tageen dhinacyadii ku midaysnaa dagaalka, ciidamo aan tira badnayn oo deegaanka ah ayaa la soo sheegayaa in ay joogaan Dhu/Mareeb iyo Guriceel.

Wararka ayaa intaas raacinaya in Jaaliyado iyo dadka deegaanka C/waaq ay dadaal ugu jiraan sidii loo dhisi lahaa maamul deegaanka ah oo ka madax banaan Qabuura Galeenka si beeshaasi uga bad baado dhibaata uga timaada beelo kale oo dagaal ku huriya maleeshiyaadkooda.

Dhinaca kale cutubyo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa usoo dhaqaaqay magaalooyinka ay maamulaan Qabuura Galeenka sii kala socda waxaana la soo sheegayaa in Howdka Dh/mareeb iyo Guri Ceel ay soo degeen cutubyo ka tirsan Shabaabka oo aan la ogayn xiliga ay geli doonaan magaalooyinka.

3-dii Bishan Maarso ayaa lafilayay in Dowlada KMG ah iyo qabuura Galeenka ku midoobaan magaalada Addis Ababa balse taasi ma muuqato, si kastaba ha ahaatee Qabuura Galeenka G/gaduud oo Itoobiya ku xiran waxay ku fashilmeen in ay qabsadaan gobalka G/gaduud muddo sanad ah oo ay dagaalamayeen waxayna ku naafoobeen dagaal Hub badan looga qabsaday oo ay Shabaabul Mujaahidiin Dhuusamareeb ku qaaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: