Ciidamada AMISOM oo dib uga laabtay Isbitaalkii Digfeer kadib dhaq dhaqaaqyo ay Muujiyaan xoogaga Mujaahidiinta .

Cutubyo ka tirsan ciidamada Saliibiga ah ee AMISOM ee xoogga ku jooga magaalada Muqdisho ayaa dib uga laabtay Isbitaalkii hore ee Digfeer oo ay shalay gelinkii hore soo degeen dagaalana ay kula galeen xoogaga Mujaahidiinta.

 Warar aan saaka ka helnay degmada Hodon ayaa xaqiijinaya in la dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan Mujaahidiinta ku sugan degmada Hodon waxaana fariisimo dhowr ah baneeyay maleeshiyo ka tirsan Dowladd KMG ah oo shalay AMISOM ku soo gelbisay taangiyadeeda.

Isbitaalka Digfeer oo shalay ay gudaha u soo galeen taangiyada ciidanka AMISOM ayaa saaka ah mid haawanaya ka dib markii ay ka bexeen ciidanka AMISOM waxaana iyana dib u laabtay maleeshiyo ka tirsan DKMG ah oo shalay soo raacay AMISOM.

Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin xoogaga Mujaahidiinta iyo ciidan aad u badan ayaa saaka isku baahiyay deegaanno dhowr ah waxaana ladareemayaan dhaq dhaqaaqyo culus oo ay wadaan Mujaahidiinta oo dhawaan dagaal faraha looga gubtay Hodon kula galay maleeshiyo uu watay Yuusuf Indho Cadde.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhinacyada colaadu u dhaxayso ee Mujaahidiinta iyo Gaalada garbaha ku sida maleeshiyaadka Dowlada KMG ah ee aan awoodda lahayn, shacabka rayidka ah ee weli ku harsan Hodon ayaa walaac ka muujinaya madaafiicda ay AMISOM ku garaacdo xaafadahooda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: