Ururka Xisbul Islaam ee maamula degmada Luuq ee gobalka Gedo oo sheegay in ay dhan ka yihiin Axmed Madoobe maamul cusubna ku dhawaaqay (Exclusive News

Ururka Xisbul Islaam ee gobalka Gedo ayaa maanta shaaciyay in aysan wax lug ah ku lahayn dagaaladii Jubbada Hoose ku dhaxmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaadka Axmed Madoobe ee la dagaashan Wilaayaadka Islaamiga ee ka hana qaaday koonfurta dalka Soomaaliya. 

 Mas’uulkan ka tirsan islaamiyiinta Soomaaliya ee ka hadlay degmada Luuq wuxuu ku dhawaaqay maamul cusub oo ka bedelan maamulkii hore uga jiray degmada Luuq isagoona sheegay inay sare u qaadi doonaan ku dhaqanka shareecada islaamka iyo la dagaalanka maleeshiyaadka dowlada KMG ah ee iska soo abaabulaya degmada Doolow xad beenaadka ay Soomaaliya la wadaagto Itoobiya.

Ciil Mooge wuxuu carrabka ku dhejiyay in Mujaahidiinta Soomaaliya ay mid yihiin islamarkaana aan la ogolaan karin in loo adeegsado shaqsiyaad dano gaar ah leh oo uu sheegay in ay doonayaan in magaca Islaamka iyagoo wata ay kala daadiyaan Jihaadka ka socda Soomaaliya isagoo ula jeeday Axmed Madoobe.

Wuxuu meesha ka saaray war dhawaan kasoo yeeray Maxamed Macalin oo sheegayay in dagaaladii Jubbooyinka ka dhacay ay qayb ka ahaayeen Ururka Xisbul Islaam wuxuuna arrinkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo ladoonayo in lagu huriyo dagaal laysaga horkeeno Mujaahidiinta safka kuwada jira.

Sheekh Xasan Al Ciraaqi madaxii hore ee Amaanka degmada Luuq ayaa ku dhawaaqay maamul cusub oo uu sheegay in Luuq loo sameeyay si amaanka loo sugo wuxuu sidoo kale carabaabay in Xisbul Islaam-ka gobalka Gedo ay luuq ka samaysteen maamul sal adag oo ka duwan kii horay gobalka uga jiray.  

  Sheekh Farxaan Ciil Mooge gudoomiyaha cusub ee Xisbul Islaam u meteli doona Gobalka Gedo oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay degmada Luug ayaa sheegay in Xisbigoodu aysan wax garab ah siinayn Axmed Madoobe islamarkaana ay u arkaan nin diidan shareecada Islaamka.

  Magacyada mas’uuliinta cusub ee la magacaabay iyo howlahooda ayaa ah sidan:

 1-Waaliga ee Xisbul Islaam G/Gedo Farxaan Cabdi Cilmooge
2-Gudoomiyaha degmada Luuq.Xuseen Maxamed Ibraahin
3-ku xigeenka Gudoomiyaha Maxkamada Sh.ibraahin cabdi maxamed.
4-Madaxa Amniga degmada Luuq-Cabdiraxmaan Macalin Xuseen.
5-K/xigeenka Madaxa Amniga Luuq-.Jacfar Shire Cawaale.
6-Cali Guure Maxamed,Madaxa Arimaha Bulshada degmada Luuq
7-Madaxa maaliyada degmada Luuq-C/laahi Cabdi Mataan
8-Madaxa Garsoorka ee degmada Luuq . Sheekh Cali Yuusuf
9-Taliyaha Saldhiga degmada Luuq.C/rashiid Xasan Faarax.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegayay in Xisbul Islaamka degmada Luuq iyo Wilaayada Shabaabul Mujaahidiin gobalka ay midnimo dhanka Iskaashiga Amaanka ah gaareen islamarkaana ay labada dhinac midoobi doonaan maalmaha soo socda, Shabaabul Mujaahidiin ayaa maamusha degmooyin badan oo Gedo ka tirsan.

isha warka somalimemo.com

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: