War Deg Deg ah: Dagaallo culus oo ka socda degmada Hodon iyo Shababul Mujaahidiin oo gurmad xoogan u diray Xisbul Islaam oo Tarabuunka lagala wareegay.

Dagaallo culus oo u dhexeeyay xoogaga Mujaahidiinta iyo maleeshiyo kat irsan DKMG ayaa maanta ka dhacay xaafado kat irsan degmada Hodon magaalada waxayna dagaaladaasi dhaliyeen in deegaanno lala kala wareego. 

Dagaalka oo goordhaw soo gaba gaboobay ayaa yimid ka dib markii maleeshiyo ka tirsan DKMG oo kaashanaya kuwa kale oo Xisbul ka goostay ay weeraro kus oo qaadeen fariisimo ay Mujaahidiinta Xisbul Islaam ku lahaayeen fagaaraha Tarabuunka iyo deegaano kale oo Hodon ka tirsan.

Sarkaal ka tirsan Mujaahidiinta ayaa goordhaw Shabakadda SomaliMeMo u xaqiijiyay in Mujaahidiintu ay dib ula wareegeen Fagaaraha Tarabuunka ilaa iyo Carwadii hore ee Soomaaliya oo ay daqiiqado kooban haysteen Mmleeshiyo uu watay Indha Cadde.

Maleeshiyaadka Indha cadde oo kaashanayay maleeshiyo kale oo horay Xisbul Islaam uga tirsanayd ayay u suura gashay in ay qabsadaan fagaaraha Tarabuunka iyo meelo kale oo ay Mujaahidiinta Xisbul islaam horay u joogeen.

Ka dib gurmadyo xoogan oo ay soo direen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul islaam oo is kaashanaya ayey suura gashay in Mujaahidiintu ay dib u qabsadaan deegaano horay looga qabsaday iyo kuwa ay joogeen Maleeshiyada Dowladda.

Isla sarkaalkan ka tirsan Mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyay in maleeshiyada Dowlada KMG ah ay tageen Isgoyska KPP balse daqiiqado ka dib ay dharbaaxo kala kulmeen guutooyin caaboon oo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin, rasaasta ayaa hadda kasii dhacaysa dhanka Hotelka Ambaasadoor iyo Taleex oo ay dagaaladu kusii biya shubanayaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: