Siminaar ay ka qayb qaadanayaan 90 Macalin oo wax ka dhiga Dugsiyada diinta oo Kismaayo ka furmaya.

Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gobalada Jubbooyinka ayaa sare u qaaday horumarinta arrimaha Bulshada magaalooyinka waaweyn ee gobalada Jubbooyinka ka dib markii shacabku si hagaagsan u qaateen ku dhaqanka shareecada islaamka. 

Maktabka arrimaha Bulshada Wilaayada Jubbooyinka ayaa bilaabay in uu Siminaaro u furo Macalimiinta wax ka dhigta goobaha Waxbarashada magaalada Kismaayo caasimada Jubbada Hoose.

Dowro sharci ah oo socanaysa muddo 3 Maalmood ah ayaa shalay laga furay magaalada Kismaayo waxaana loo qabanayaa ilaa iyo 90 Macalin oo wax ka dhiga Dugsiyada lagu barto qur’aanka iyo Madaarista kale ee diiniga ah.

Madaxa arrimaha Bulshada Wilaayada islaamiga Jubbooyinka Sheekh Ibraahim Garweyne oo daaha ka rogay Dowrada Sharciga ah ayaa sheegay in inta ay socoto dowrada Macalimiinta labari doono qaabka Qur’aanka loo baro ardayda iyo wasiilada ugu muhiimsan ee Ardayda wax lagu fahansiin karo.

Dowradan Sharciga ah waxaa duruus ka bixinaya Macalimiin iyo Culimo ka soo shaqeeyey gobalo badan islamarkaana aqoon durugsan u leh qaabka wax loo baro Ubadka.

Sidoo kale Dowrada Sharciga ah waxaa ka faa’iidaysana haween ka mid ah Macalimiinta wax ka dhiga Iskuulada diinta lagu barto ee magaalada Kismaayo.

Wilaayada Islaamiga gobalada Jubbooyinka ayaa dhaqaale iyo maskax ku bixinaysa sidii dib loogu soo noolayn lahaa kaabayaashii arrimaha Bulshada sida Caafimaadka,Waxbarashada iyo Nadaafadda.

Dowraadka sharciga ah ee loo qabanayo Bulshada ayaa ku soo aadaysa xilli uu magaalada Kismaayo booqasho ku joogo Wafdi sare oo katisan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaana la dhihi karaa waa fursadii ugu horaysay ee soo marta reer Kismaayo marka loo eego nabad gelyada iyo horumarka ku yimid ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: