Faroole oo xilalkii ka eryey saraakiil muhiim ahaa ka dib markii qaraxyo iyo dilal lagu laayay madax maamulkaasi ka tirsan.

Maamulka Bari ayaa doonaya in uu dib u hagaajin ku sameeyo amaankii gobaladaasi oo bilihii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey ka dib markii qaraxyo iyo dilal lagala daalay Mas’uuliyiin katirsanaa Maamulkaasi oo lagu eedeeyey in ay la shaqaynayeen Sirdoonka Mareykanka. 

C/raxmaan Faroole oo ah horboodaha maamulkaasi Bari ayaa xalay magaalada Garoowe uga dhawaaqay isbedel dhanka maamulka ah isagoona meesha ka saaray rag muhiim u ahaa maamulkiisa oo uu u arko in ay caqabada ku yihiin joojinta qaraxyada iyo dilalka lagu hayo saraakiisha Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Isbedelka uu Faroole ku sameeyey Saraakiishiisa ayaa yimid ka dib culays dhan walba ah oo uga yimid Itoobiya iyo CIA-da ka dib markii kooxo hubaysan ay khaariaiyeen saraakiil u shaqaynayey PIS-ta gobalka Bari oo larumaysanyahay in ay tahay wakiilka Itoobiya iyo Mareykanka ee W/qooyi Bari Soomaaliya.

Wasiirkii amaanka u qaabilsanaa C/raxmaan Faroolle ayaa xilkii laga eryay Nnnkaasi waa C/laahi Saciid Samatar oo ahaa General si weyn ula socday dhaq dhaqaaqayada wadaadada W/qooyi Bari islamarkaana ahaa sarkaal firficoon oo Ashahaadda ladirir ah.

Sababaha ugu muhiimsan ee xilalka looga qaaday saraakiishii hore ayaa ah amaanka gobalka W/qooyi Bari oo noqday meel aan laysku halay karin ka dib markii rag ka kacdoomay PIS ay bilaabeen inay ka cad goostaan maamulka Faroole.

Faroole wuxuu hadda dhanka Amaanka u magacaabay General howl gab ahaa oo hadda ladoonayo in uu wax ka qabto amaanka faraha ka baxay ee W/qooyi bari ka jira waana Nnnka lagu magacaabo General Yuusuf Axmed Kheyr.

Saraakiisha uu C/raxmaan Faroolle ka Eryay maamulkiisa.
C/laahi Siciid Samatar
C.risaaq Cabdule Geesood
C/laahi Cali Xirsi
Farax Aadan dhalac
C.risaaq Xuseen Gacayte
C.kariin Saalax Cali
Bashiir Cali Biixi
Xalimo Maxamuud Maxamed

Dadka ku nool magaalooyinka hoos yimaad maamulka W/qooyi Bari ee Soomaaliya ayaa isweydiinaya waxa ay ku soo kordhin karaan Saraakiisha loo magacaabay in ay wax ka qabtaan amaanka waxaana weli taagan baqdin ku aadan in qaraxyo lala eegto PIS iyo in saraakiil C/raxmaan Faroole la shaqaysa dilal lala eegto.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: