Beeralayda gobalka Gedo oo u dareeray tacabka beeraha eedayn kululna u jeediyey hay’adda WFP.

Shacabka ku dhaqan gobalka Gedo ayaa u riyaaqay Bayaankii dhawaan kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay WFP uga mamnuucday in ay ka howlgasho Wilaayaadka Islaamiga ee Koonfurta Dalka Somalia si shacabku u helaan Nolol iyo sharaf islaami ah.

 Barakacayaasha ku sugan degmooyinka kala duwan ee gobalka Gedo ayaa markii ugu horaysay si wada jir ah ugu dareeray tacbashada beeraha ka dib markii ay ogaadeen in wax raashin ah aysan usoo wedin hay’adda WFP.

Weriye Axmed Saalixi oo ku sugan gobalka Gedo ayaa waraystay barakacayaal badan waxayna muujinayeen farxad ku aadan in ay beerahooda tacbadaan si ay uga baxaan gaajada iyo u gacma hoorsiga hay’adaha Shisheeye.

Reer Gedo oo rabbi ku manaystay dhul hodon ah waxay bilaabeen in ay beerahooda qotaan iyagoo adeegsanaya biyaha xareedda roobka iyo waraabka gacanta maadaama gobalka Gedo uu maro Webiga Jubba oo ah Webiga ugu biyaha badan ee dalka Soomaaliya.

Maxamed Cali Isaaq wuxuu ka mid yahay Dadka ku dhaqan magaalada Baardheere gobalka Gedo wuxuuna muujinayaa farxadiisa ka dib markii uu arkay dadkii gacan hoorsatada ahaa oo u dhaqaaqaya tacabka Beeraha.

Wilaayada Islaamiga gobalka Gedo iyo Hay’ado maxali ah ayaa barakacayaasha u qaybiyay raashin abuur ah taas oo ku riixday shacabka in ay dhulka alle ka raadasadaan Rizqi.

Beeralayda ayaa isku raacay in WFP ay caqabad ku ahayd wax soo saarka dalka islamarkaana ay bahdil ugaysanaysay sharafta qofka Soomaaliga ah maadaama ay raashin uray safaf dhaa dheer u gelinaysay shacabka xiliyada ay raashinka qaybinayso.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhawaan amar ku bixisay in WFP ay ka baxdo Soomaaliya hadii aysan beeralayda ka iibsanayn raashinka ay gargaar ahaan u qaybiso, Beesha caalamka ee Nairobi ku sugan ayaa ka walaacsan in Shacabka Soomaaliyeed uu ka maarmo Galeydii Mareykanka laga keeni jiray.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: