Maxkamadda Islaamiga ee Wilaayada gobalka Banaadir oo xukuno ku ridday rag lagu soo eedeeyay dhac ay ugaysteen Shirkado ganacsi.

Maxkamadda Islaamiga Wilaayada gobalka Banaadir Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta xukuno kala gedisan ku ridday kooxo burcad ah oo ku eedaysnaa in ay dhaceen qaar katirsan Shirkadaha magaalada Muqdisho.

 Shir Jaraa’id oo uu maanta magaalada Muqdisho ku qabtay qaaliga Maxkamadda Islaamiga gobalka Banaadir Sheykh Cabdul Xaq ayuu sheegay in 16 Nin oo hanti ka dhacay Shirkado ganacsi ay ku xukumeen in ay dib u celiyaan hantidii ay dheceen qaar kalane laxiray.

Ciidamada Xisbada Wilaayada gobalka Banaadir ayaa horay gacanta ugu soo dhigay 16 Nin oo lagu helay in ay dheceen Shirkada ganacsi waxaana wixii xiligaasi ka dambeeyay socday baaritaano xoogan oo lagu hayay kooxahaasi qaatayaasha ah.

Maxkamaddu waxay maanta soo bandhigay 10 Nin oo ka tirsanaa kooxahaasi qaatayaasha ah halka 6 nin ay baxsadeen islamarkaana ay u galeen dhanka cadawgu uu ka maamulo magaalada Muqdisho iyagoo ay ku maqantahay Hantidii ay dheceen.

Maxkamadda ayaa 10-ka nin oo la soo eedeeyay ku xukuntay in ay bixiyaan lacagtii ay soo dheceen iyo in ay Xabsiga ku jiraan muddo sanad ah, Qaadiga wuxuu sheegay in ragga lamaxkamadeeyay isugu jireen kuwa Mujaahidiinta ka tirsanaa iyo kuwa ganacsata ah oo si madax banaan shirkadaha ganacsiga u baartay.

Ragga qaar ayaa sheegay in lacagta ay qaateen ay lahaayeen AMISOM iyo Dowladda KMG oo aysan iyagu jeebkooda gashan oo ay doonayeen in lacagta ay qaadeen geeyaan meelo cayiman si loo xukmiyo, Qaadiga ayaa sheegay in dadka qaardDhaar lamarsiiyay ayna qireen in si aan laysla ogayn wax ku qaadeen welina aysan isticmaalin lacagtii ay qaateen islamarkaana aysan tuuganimo ka ahayn sidaasna loogu xukumay lacag celin iyo xabsi hal sana ah maadaama la dhaariyay.

Maxkamadda Wilaayada gobalka Banaadir ayaa iyana sheegtay in 6 nin oo dhanka cadawga ugalay iyana laxukumay lagana doonayo in ay isku soo dhiibaan Maxkamadda hadii kale ay mutaysan doonaan ciqaab adag oo shareecada Islaamka waafaqsan.

Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in Shirkadihii ganacsiga ee ladhacay lagu wareejiyo lacagtii laga dhacay oo ay bixinayaan ragga maanta laxakumay oo qaarkood haya lacagtii ay ka soo qaadeen shirkadaha ganacsiga.

One Response

  1. Xukun waliba waa ragaa, ilaa ay cadaalada katagaan. Maanta qolada tiri waxbaan xukunay waxay si cad u sameeyeen cadaaladaro waxaana suura gala hadii shabaabku arintaa aysan ridaynin ama diidin in ay bilow unoqoto burbur baahsan oo kudhaca hanaankooda maamul una horseeda kala tag iyo jab.

    Bilaahi calaykum ilaaliya cadaalada hadaad karajo qabtaan aadun iyo aakhiraba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: