Mas’uuliyiin ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin oo booqasho Indha Indhayn ah ku tegay Dekadda Kismaayo iyo xarumaha kale ee muhiimka ah magaalada Kismaayo.

Mas’uuliyiinta ugu saraysa Xaraakada Shabaabul Mujaahidiin ee dhawaan booqashada ku tegay magaalada Kismaayo xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa bilaabay in ay booqdaan xarumaha maamulka iyo xaafadaha ay deganyihiin dadka danyarta ah si ay noloshooda u eegaan.

 Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur,Sheekh Xasan Turki,Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf,Sheekh Xuseen Cali Fiidow,Sheekh Burhaan iyo madax kale oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shalay gelinkii dambe booqday kaabayaasha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo.

Wafdiga oo ay soo dhaweeyeen Wilaayada Jubbooyinka waxay booqdeen xarunta gobalka Kismaayo,Maxkamadda gobalka,Saldhigga Booliska magaalada,Dhismaha Idaacadda Andalus iyo Dekadda weyn ee magaalada Kismaayo.

Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo ah madaxa Siyaasadda iyo arrimaha Gobalada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka warbixiyay meelihii ay booqdeen iyo waxa ay ku soo arkeen wuxuuna sheegay in ay aad ugu farxeen shaqada ay Wilaayada islaamiga ah u hayso Shacabka Muslimiinta ah ee Jubbooyinka ku nool.

Fiidow wuxuu sheegay in wafdiga ay tageen Dekadda weyn ee magaalada Kismaayo oo xiligaas ay ka socdeen shaqooyin muhiim u ah Bulshada islamarkaana ay Maraakiib iyo Doonyo badan ay ku xirnaayeen Dekadda taas oo ay wafdigu ku farxeen in Shacabka Kismaayo haystaan nolol wanaagsan waqti Q.Midoobe iyo dowlada KMG ah sheegeen in ay xayiraad kusoo rogeen Dekadda Kismaayo.

“Wafdiga markii uu Dekadda tegay wuxuu soo qiimeeyay in dayactiro gaa gaaban ay Dekadda u baahantahay lagu sameeyo sida qaybta biyaha ku soo yaacaan iyo in Wiishashka iyo Shactarada Dekadda xoogaa lahagaajiyo taasina waxaan farnay maamulka gobalka,sida lawada ogyahay maamuladii magaalada soo maray ee mooryaanta ahaa dhaqaalaha ayay iska guran jireen iyagoon wax dan ah u hayn qalabka dekadda sidaas ayaan ka bedelaynaa dekadda waxaana ku dadaalaynaa in wax dhib ah gaarin hantida dekadda” ayuu yiri Sheekh Fiidow.

Sidoo kale wafdiga ka socda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa booqday saldhigga Booliska magaalada waxayna kormeereen qolalka ay ku xiranyihiin maxaabiista waxayna kula soo kulmeen maxaabiis daryeel wanaagsan haysata.

Si kastaba ha ahaatee wafdiga ayaa lafilayaa in ay booqdaan demooyin kale oo ka tirsan Jubbooyinka oo ay ka jiraan Wilaayaadka Islaami ah oo hoos yimaad xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waa markii ugu horaysay oo ay madaxda Shabaabul Mujaahidiin Indha Indhayn ku tagaan Jubbooyinka tan iyo markii wilaayada laga difaacay cadawgii doonayay in wax lacarqaladeeyo.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: