Axmed Madoobe oo sheegay in Taageerayaashiisu ay Muqdisho ka bilaabayaan Qaraxyo lagu dilayo Hogaamiyaasha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Hogaamiyaha Shareecada diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya gudaha Kenya Axmed Madoobe ayaa markii ugu horaysay codkiisa laga maqlay warbaahinta magaalada Muqdisho tan iyo markii lagu jebiyey dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Diif ee gobalka Jubbada Hoose.

 Axmed Madoobe oo qandaraas Shareeca diidnimo ka soo qaatay wadanka Kenya iyo hay’ado kale oo Masiixi ah ayaa qirtay in uu mas’uul ka ahaa qaraxyo dad ku dhinteen oo dhawaan ka dhacay Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Isagoo saaka lahadlayey Idaacadda maxaliga ah ee Shabelle magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in uu laba laabi doono duulaanka uu ku yahay Wilaayaadka islaamiga gobalada Jubbooyinka islamarkaana uu beegsan doono magaalooyinka hadda gacanta ugu jiro Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shabaab iyo Shacabka.

“Dagaaladan aan ku jirno saamayn ayey ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho oo aan isla joogno, qaraxyo iyo Miinooyin ayaan ku dili doonaa madaxdooda meel ay nooga bad baadayaan malahan kooxahaas beenta sheegaya” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hogaamiyaha Ashahaadda ladirirka cusub ah wuxuu soo hadal qaaday ugaarsi uu sheegay in ay ku hayaan saraakiisha Shabaabul Mujaahidiin oo uusan carrabka ku dhifan balse waxaa loo fasirtay in uu si dadban u sheeganayay qaraxyo khasaara nafeed dhaliyay oo dhawaan ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo deegaano kale oo ay Mujaahidiinta maamulaan.

Wuxuu beeniyay in maleeshiyadiisa ay ka barbar dagaalamaan ciidamo Kenya lagu soo tababaray iyo kuwa Jabhadda ONFL oo kaalin muuqata uga jirtay duulaankii fashilmay ee sanadkii la soo dhaafay ay Ashahaadda ladirirku ku qaadeen Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: