Sheykh Abu Mansuur iyo Sheykh Xasan Turkri oo ka wada tirsan Shabaabul Mujaahidiin oo meel fagaara ah uga khudbadeeyay Shacabka magaalada Kismaayo.

Madax ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku sii qul qulaya gobalada Jubbooyinka oo sanadkii hore ay ku dagaalameen ciidamada Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka iyo maleeshiyadii shareeca diidka ee uu hogaaminayey Axmed Madoobe.

 Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur,Sheekh Fu’aad Mux’med Khalaf iyo Sheekh Xasan Turki oo dhamaantood ka tirsan Mas’uuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shalay ilaa iyo xalay kalimado u jeedinayey Shacabka magaalada Kismaayo.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shalay fagaaraha beerta Shareecada magaalada Kismaayo kula hadlayey boqolaal qof ayaa faah faahin ka bixiyey xaaladaha uu marayo Jihaadka Soomaaliya iyo axwaasha ay ku suganyihiin shacabka Muslimiinta ah ee ku nool wilaayaadka ay Mujaahidiinta maamulaan.

Abuu Mansuur wuxuu shacabka Muslimiinta ee magaalada Kismaayo uga mahad celiyey sidii geesinimada lahayd oo ay isku barbar taageen Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka islamarkaana ay uga qayb qaateen difaacii wilaayada.

Sh Abuu Mansuur waxa uu aad ugu dheeraaday ka hadalka dhibaatada ay shacabka ku hayaan cadawga Saliibiga ah iyo kuwa gaalada la shaqeeya dhanka kalena sheeganaya in ay yihiin dowlad iyo Ururo Islaami ah.

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar horay usoo baxay oo sheegayay in Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ay ku dagaalameen gobalka Jubbooyinka wuxuuna sheegay in dagaaladii Jubbooyinka ka dhacay ay ahaayeen dagaalo lala galay Axmed Madoobe oo shareeca diid ah kaalmaysanaya ONLF iyo ciidamo Copy Kenya soo tababartay.

Sheykh Abuu Mansuur wuxuu soo qaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalad Dhoobleey gobalka Jubbada Hoose wuxuuna sheegay in dagaalkaas ay qayb weyn ku lahayd dowlada Keyna oo soo dagaal gelisay maleeshiyo dalkeeda lagu soo carbiyay.

Intaasi kadib ayay hadana Sheykh Abuu Mansuur iyo Sheykh Xuseen Cali Fiidow soo fariisteen Idaacadda islaamiga Andalus halkaas oo ay su’aalo qayim ah ku weydiiyeen shacabka magaalada Kismaayo oo xiisa gooni ah u qabay in ay magaaladooda soo booqdeen madaxda Mujaahidiinta.

Caawa ayaa lafilayaa in madax kale oo ka tirsan Mujaahidiinta ay soo fariistaan Idaacadda Andalus si ay shacabka Kismaayo uga warbixiyaan Jihaadka Soomsaliya iyo horumarka ay dhanka Bulshada ka sameeyeen Wilaayaadka islaamiga ee ka dhisan koonfurta Somalia.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: