Raali gelinta uu bixiyey Wargeyska Politeken ma mid uqalantaa dadka Muslimiinta ah??

Madaxa wargeyska Politeken oo ka mid ah wargeysyadii horey  u aflagaadeeyey Nabigeena Muxamed Caleyhi Salaam ayaa maalintii shaley oo jimaco aheyd kula kulmey magaalada London ee Xarunta dalka Ingiriiska qareen Sucuudiyaan ah oo matalayey Sideed jamciyadood  oo ay ku mideysan yihiin inkabadan 94000 oo muslimiin ah.

 

Qoraal lagu daabacey wargeyska ayaa lagu sheegey inuu heshiis dhex marey qareenka Sucuudiyaanka ah oo lagu magacaabo Feysal Yamaani iyo Madaxda wargeyska Politeken Tuuge Seydarfaanen waxeyna heshiis ku gaareen inuu wargeyska uu “raali gelin” u gudbiyo qoysaska uu ninkan matalo oo u nisbo sheegta Nabi Muxamed Caleyhi salaam.

 

Wargeyska oo Qadiyadda Aflagaadada Nabi Muxamed Caleyhi Salaam ka dhigey mid ku kooban Caa’ilada Nabiga.

Raali gelinta la sheegey in loo gudbiyey Qareenka Sucuudiyaanka ah ayaa waxaa wargeyska Politeken uu ku sheegey  inay ugudbiyeen  Qoysaska ku abtirsada Nasabka Nabi Muxamed C.S.W. iyadoo aflagaadada loo geystey Nabigeena aysan ku koobneyn Nasabkiisa balse ay guud ahaan taabaneyso Muslimiinta oo dhan.

 

Jariiradda Politeken ayaa Sanadkii 2008-da waxey dib usoo daabacdey Sawiro ay horey u baahisey Jariiradda kale ee Yuland Post kuwaasi oo mar qura kiciyey dareenka Muslimiinta ku nool Caalamka iyadoona dad badan oo  muslimiin ah ay ku dhinteen dibd baxyo ay kaga careysnaayeen arintaasi oo ka dhacay dalal kal duwan.

Yuland Post: waa wax doqonimo ah heshiiska ay galeen Politeken.

Inkasta oo dadka muslimiinta ah aysan marnaba ku qanci doonin raali gelin ku sheega ay wada gaareen madaxa waregyska Politeken iyo Feysal Yamaani haddana wargeysyada kale ee horey u daabacey Sawirada lagu aflagaadeeyey Nabi Muxamed C.S.W oo gaarayey 11-wargeys waxey dhamaantood dhaliileen heshiiska uu galey wargeyska Politeken waxeyna ku tilmaameen inay tahey arin doqonnimo ah!

Tafaftiraha wargeyska Yuland Post Yon Mi’kaelsan ayaa ka Hadley heshiiska ku sheega ay wada gaareen Feysal Yamaani oo ah  qareenka Sucuudiga ee matalaya Qoysaska ku abtirsada Nasabka Nabi Muxamed C.S.W iyo Madaxa wargeyska Politeken wuxuuna yiri:

“ waa wax aad uliita inay dhulka isku dhigaan “Politeken”  Qareenka Sucuudiga  iyaga oo Saxaafadda inteeda kale gooni ah”.

 

Marka la dhuuxo  hadalka Tafaftiraha wargeyska  Yuland Post waxaa ka muuqanaya in wargeyska kale ee Politeken uu ka baxey waxey  ugu yeeraan “Xoriyadda Hadalka”  oo ah midda  ay ku baneysanayaan Aflagaadeynta diinta islaamka iyo  ehelkeeda wuxuuna si aad ah u dhaliil sanyahey in wax raali ah laga bixyo Xumeyntii ay kula kaceen Nabigeenma Muxamed Caleyhi Salaam.

 Madxada dalka Denmark oo horey u taageerey Aflagaadada loo geystey Nabigeena.

Reysal wasaarihii hore ee dalka Denmark haddana ah Madaxa Gaashaanbuurta NATO Anas For Rasmonson ayaa horey waxa uu u difaacey Aflagaadadii ay warbaahinta dalkiisa u geysteen Nabi Muxamed C.S.W wuxuuna sheegey inaysan raali gelin ka bixin doonin Aflagaadada isagoo cuskanaya  waxa ay u yaqaanaan “Xoriyadda Saxaafadda”.

 

Diinta Islaamka Maxey ka qabtaa qofka si bareer ah ucaaya Nabigeena Muxamed Caleyhi Salaam?.

Culimada Islaamka waxey guud ahaan isku raacsan yihiin inuusan wax Towbad ah  laheyn qofka ku dhiirada inuu si bareer ah u caayo Nabigeena waxeyna Culimada islaamku qabaan in ladilo Qofka caaya nabi Muxamed Caleyhi Salaam.

 

Muslimiinta ku nool dunida Islaamka ayaa kaga Xumaadey Aflagaadadii loo geystey Nabigooda Sharafta badan iyado taasi ay dhalisey in wiil soomaali ah oo ku nool dalka Denmar uu isku dayo inuu khaarajiyo Gaalkii Aflagaadeeyey Nabi Muxamed Caleyhi Salaam.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: