Dowlada KMG ah oo soo bandhigtay ciidan ay ku sheegtay in ay Xisbul Islaami ka soo goosteen.

Dowlada KMG ee la shaqaysa gumaysiga ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo ay ku sheegtay in ay ka tirsanaayeen dagaalyahanada Al Xisbul Islaam ee dagaalada kula jira shisheeyaha soo duulay iyo maleeshiyaadka kale.

 Munaasabad maanta ka dhacday degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayuu Maamulka degmadaasi saxaafadda ugu soo bandhigay Wiilal dhalinyara ah oo uu ku sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamada Al Xisbul islaami.

Axmed Cadow “Axmed Daaci” oo Munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka ay soo bandhigeen ay Xisbul islaam ka tirsanaayeen islamarkaana ay ka soo goosteen ka dib markii ay dhibaato kala kulmeen madaxda Xisbul islaam sida hadalka loo dhigay.

“Waad ujeedaan waa ciidan dowlada ka soo horjeeday cadawga Soomaaliyeedna ka mid ahaay, Xisbul islaam ayay ka soo goosteen haddana waxay lajiraan dowladooda anigu Been ka sheegi maa idinkuba damooda” ayuu yiri Axmed Daacin.

Hogaamiye kooxeedkan dowlada KMG ah u qaabilsan Wadajir Axmed Daaci ayaa ah curyaan lugta ay ka goysay Miino ay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ugu aastay meel aan ka fogayn guriga uu Wadajir ka deganyahay.

Sidoo kale waxaa madashii dhalinyarada lagu soo bandhigayay ka hadlay C/raxiin Maxamuud Cumar oo sheegay in uu ahaa Taliyihii Ciidanka Xisbada Isgoyska H/wadaag wuxuuna cambaareeyay Xisbul Islaam oo uu sheegay in uu xil u hayey.

Marka si degan loo dhuuxo warkan ka soo yeeray Dowlada KMG ah ayaa u muuqday in uu yahay mid Borobogaanda ah maadaama ciidanka hadlayay ay si iska yeel yeel ah u adeegsanayeen Eray Bixino Islaami ah sida “waxaan ahaa taliyihii Xisbada” oo lahjad aan carrabka qaba karin uu ku lahaa shaqsi lagu sheegay Taliye Xisbul islaam ka tirsanaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: