Nadwooyin ay Culimadu uga hadlayaan Bidcanimada Mowliidka oo ka bilaabatay Masjidka Abu Hureyra Magaalada Muqdisho.

Culimada magaalada Muqdisho iyo madaxda Mujaahidiinta ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay Muxaadarooyin diini ah oo ay shacabka uga digayaan Khilaafka sunada Nabiga SCW xilli lagu jiro Bisha Rabiicul Awal oo ah bishii uu dhashay Nabi Muxamed SCW sida ay yiraahdeen qaar ka mid ah Culimadii Salafka.

 

Nadwo diini ah oo ay duruus ka bixinayaan culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho caanka ah ayaa maanta ka furantay Masjidka weyn ee Abaa Hurayra suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho waxayna culimadu shacabka aan cilmiga lahayn ka Jaahil bixinayaan khuraafaadka ay qabuura galeenku ka faafiyaan gobalka G/gaduud.

Culimada Nadwada Duruusta ka bixinaysa waxaa ka mid ah Sheekh Jaamac C/salaan, Sheekh C/weli iyo Culimo kale oo dhamaantood si faah faahsan uga hadlaya Bidcada ay Qabuura galeenku munaasabado dabaal deg ah ugu dhigayaan Bisha Rabiicul Awal oo ah markii uu dhashay Suubane Nabiyullaahi Muxamed SCW.

Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gobalka Banaadir ayaa iyana qeyb weyn ka qaadanaysa qabsoomidda Nadwadan Shacabka looga digayo Bidcooyinka khilaafsan sharteecada islaamka, Sheekh Abuu Ruqiyah oo Muxaadaro qayim ah ka jeediyey Nadwada ka socota Masjidka Abaa Hureyra ayaa sheegay in ciddii la timaada Ibtidaac ay ku dhacayso shirki iyo diin ka baxan islamarkaana ay Muslimiinta xaaraam ka tahay in ay cid aan alle ahayn wax u gowracaan.

11 degmo oo katirsan magaalada Muqdisho oo ay maamulaan Xoogaga Mujaahidiinta ayaan ka jirin wax Dabaal Deg ah oo loo samaynayo dhalasha Nabiga, Culimo badan oo aaminsanaa in Nabiga loo Ixtifaalo ayaa arrinkaas ka Towbad keenay ka dib markii ay dib ugu laabteen Taariikhda Islaamka iyo Axaadiistii nabiga lagasoo weriyay.

Maleeshiyada Qabuura galeenka ah ee ku sugan gobalka G/gaduud ayaa iyana sheegay in ay u dabaal degayaan Dhalashada Nabiga taas oo muujinaysa in kooxahaasi ay yihiin kuwa  qaloociyey Diinta Islaamka.

Wilaayaadka Islaamiga ee Koonfurta Soomaaliya waxaa maanta ka socda Nadwooyin ay Muxaadarooyin ka jeedinayaan Culimada Soomaaliyeed waxaana Muxaadaraadkaasi ka qayb qaadanaya culimo horay uga Mid ahaa Dariiqada Suufida oo markii ay xaqqa arkeen go’aansaday in ay dadka Muslimiinta ah dhinac ka raacaan.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: