Mujaahidiinta magaalada Muqdisho oo dejiyay Istiraatiiyad lagu fashilinayo Shirqoolada ay Cadawgu qoorta isugu gelinayaan Mujaahidiinta “Xog dhamaystiran’.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Al Xisbul islaami ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan dhibaatooyin maalmihii lasoo dhaafay ka jiray deegaanada ay Mujaahidiintu maamulaan ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka dhashay qaraxyo ka dhacayay Bakaaraha.

Ilo wareedyo aan helnay ayaa xaqiijinaya in labada dhinac ay isku afgarteen in la adkeeyo amaanka suuqa Bakaaraha Muqdisho iyo deegaanada ay Mujaahidiintu maamulaan si looga hortago hagar daamooyin ay Cadaw Fursad raadis ah gaysan karaan.

Kadib markii uu dhawaan dhacay qaraxii ay ku halaagsameen Sharwadayaasha ee ka dhacay wadada 30-ka ayay labada dhinac sameeyeen kulamo iyo xariiro waxayna ku guulaysteen in ay xakameeyaan dhaq dhaqaaqayadooda islamarkaana ay Koontarool adag lamariyo kuwa qaraxyada ka gaysta goobaha Halbowlaha u ah shacabka.

Labada dhinac ee mujaahidiinta ayaa isla adkeeyay in laga fogaado wax walba oo dhalin kara in mujaahidiintu jihaadka ka mashquulaan taas oo macnaheedu yahay in mujaahidiinta aan laysku dirin.

Dowlada KMG ah ayaa la ogaaday in ay shaqa gelisay dad horay mujaahidiin u ahaa xiligii Tikreega dalka joogeen kuwaas oo qaraxyo la beegsanaya saraakiisha mujaahidiinta si ay labada dhinac ee Shabaab iyo Xisbul Islaam ukala shakiyaan.

Al Xisbul Islaam yaa qirtay in kooxihii dhawaan qaraxa ka gaystay wadada 30-ka ay ahaayeen dad Xisbiga katirsanaa balse aan ahayn Mujaahidiin sal adag oo howlaha Xisbiga ka qayb qaadan jiray.

Saraakiisha Xisbul Islaam waxay ganacsatada Suuqa Bakaaraha ka raali geliyeen rasaas maalin horay ay wadooyinka ku fureen ciidamo Xisbul islaam katirsan oo doonayay in ay xaalad abuuraan.

Istiraatiijiyadan cusub oo ay mujaahidiinta Muqdisho samaysteen waxay caqabad ku noqon doontaa shirqoolo ay damacsanaayeen dowlada KMG ah iyo shirkadd Mareykanka Black Water oo doonayay in ay Mujaahidiinta qoorta isku geliyaan.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: