Itoobiya oo Xildhibaano iyo Saraakiil u xiran ku haysata “Itixaad hore ayaad ahaan jirteen” Maxkamadaynta Jigjiga.

Xildhibaanno katirsan dowladda KMG ah ayaa tacadi kala kulmaya saraakiil katirsan ciidanka Tikreega saliibiga kadib markii ay xabsi Jigjiga kuyaal si sharaf darro ah su’aalo u weydiiyeen nabad sugidda Tikreega. 

 Maalintii 2-aad ayay maxkamadda Tikreega kasoo muuqdeen Gaagaale iyo Xildhibaan Fareey oo uu wehliyo Axmed Ugaas “Inji” oo dhawaa lagu qabtay magaalada Jigjiga dhulka Somaligalbeed oo ay Itoobiya gumaysato.

 Maxkamadda lasoo taagay xildhibaanadan ayaa lasoo sheegayaa in ay tahay mid mileteri oo loogu talagalay in lasaaro ONLF iyo dagaalyahada mujaahidiinta somaligalbeed marka lagusoo qabto dagaallo balse maxkamadan lama saaro dadka caadiga ah.

 Ilo xog ogaal ah ayaa SomaliMeMo.com u sheegay in xildhibaanadan lagu haysto kamid ahaashiyihii maxkamadihii Islaamka iyo ururkii Al Itixaad oo mar Itoobiya kula dagaalamay gobalka Gedo.

 Xuseen Gaagaale oo kamid ah xildhibaanada laxiray wuxuu ahaan jira Itixaad Googo’an ka hor intii usuan tegin wadanka Jabuuti ee uu xilka Xildhibaanimo kasoo qaaday, Gaagaale iyo Axmed Ugaas “Inji” waxaa laga lisayaa wixii ay horay u aaminsanaayeen, maleeshiyada Qabuura Galeenka G/gaduud ayaa latuhunsanyahay in xarigga raggan ay lug weyn ku leeyihiin.

 Inkastoo xildhibaanada laxiray ay mar hore ka beyreen Itixaadnimadii hadane waxaa qoonsaday qabuura galeenka G/gaduud oo si uga didsan cid walba oo Itixaad ah islamarkaana aan aaminsanayn Mabda’ooda qabuura galnimo.

Tani waa sharaf dhac iyo bah dil kale oo ay Itoobiya kula kacayso xubnaha katirsan dowlada KMG ah oo Itoobiya gacan weyn ka gaysatay dhismaheeda Itoobiya iyo Kenya sida ay rabaan ayay ka yeeshaan saraakiisha dowladda KMG ah maadaama aysan awood lahayn.

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: