Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye oo soo dhaweeyay Hubka ay Beelaha Soomaaliyeed ku Wareejinayaan Xoogaga Mujaahidiinta Al Shabaab.

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si diiran usoo dhaweeyay Hub wareejinta ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen beelo Soomaaliyeed oo Mujaahidiinta ku wareejinayey hubkooda si Jihaadka loogu Taban taabo.

 Sheekh Axmed Cali Gees Madaxa Samafalka Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in beelaha Somaliyeed ay fureen baal cusub ka dib markii ay cadaysteen in ay barbar taaganyihiin Mujaahidiinta Somaliya ee u dadaalaya ku dhaqanka shareecada islaamka.

Dhaqanka Hawiye waxay ugu baaqeen beelaha kale ee aan weli hubkooda ku wareejin Mujaahidiinta in ay hubkooda ku wareejiyaan si hubkaasi loogu difaaco diinta iyo dalka islamarkaana uu qayb ka noqdo awoodda lagu difaacayo shareecada Allaah.

“hadii aan nahay Dhaqanka Soomaaliyeed waxaan mubaarakaynaynaa beelaha Muslimiinta ah ee bilaabay in ay hubkooda ku wareejiyaan Mujaahidiinta,waa wax Allaah ku farxayo in beelihii ay Jihaadkii dhaqaale ku bixinayaan beelaha Hubeer, Luwaay, Xaaji Saleebaan,Dabare waxaan idin leeyahay Jazaakumullaah Kheyran sii badiya u Nusraynta diinta alle” ayuu yiri Sheekh Axmed Cali Gees.

Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sidoo kale Mujaahidiinta ugu baaqay in ay balaariyaan dhax galka beelaha Soomaaliyeed si beelaha oo dhan ay Mujaahidiinta ugu biiraan, “Mujaahidiinta waxaan leeyahay kordhiya lahadalka beelaha, si aad hubka oo dhan uga qaadaan waxaad gaari doontaan heer ay beeluhu dhaqaale adag ku bixiyaan Jihaadka”.

Ugu dambayntii dhaqalnka Hawiye ayaa shaaciyay in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii beelaha Hawiye ay hubkooda ugu wareejin lahaayeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Wilaayaad Islaami ah ka dhistay gobalada dalka.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: