Beesha Luwaay/Mirifle oo hub fara badan ku wareejisey Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gobalka Bay iyo Bakool.

Wilayaada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa mar kale hub iyo saanado ciidan oo aad u farabadan ka heshay mid ka mid ah beelaha muslimiinta Soomaaliyeed ee degan demooyinka gobalka Bay koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.

 

Kulana balaadhan oo maanta ka dhacay degmada Ufurow ee gobalka Bay ayna ka soo qayb galeen odayaal dhaqamedyo,culimo,saraakiil ka tirsan ciidanka Mujaahidiinta, mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab,cuqaal ayaa maanta lagu wareejiyay saanado hub ah oo aad u badan.

Munaasabaddaas balaadhan ayaa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gacanta loogu geliyey hub aad u qiima badan oo ay lahayd beesha luwaay oo ka mid ah beelaha dega Bay iyo Bakool ee sida hagar la’aaneed ugu gargaaray Mujahaidiinta dagaalada Jihaadka ah ka wada dalka Soomaaliya.

Beesha luwaay waxay Mujaahidiinta Al Shabaab ku wareejisay hub gaaraya 5 qori Nooca PKM-ka ah ,4 Dhashiike iyo 5 Gaari oo Cabdi bilayaal Nooca dagaalka oo ay beeshaasi ugu talagashay in ay uga qayb qaadato Jihaadka Soomaaliya ka socda.

Cuqaasha Beesha luwaay oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin maalkooda ay diinta alle u bixiyaan halkii ay ku dili lahaayeen dad walaahooda.

Waxaa goobta hub wareejinta isna Khudbad mahad celin iyo guubaabin ah ka jeediyay Sheekh C/raxmaan Mire Mataan Taliyaha guud ee ciidamada Wilaayada Islaamiga gobalada Bay iyo Bakool wuxuuna sheegay in beelaha dega Bay iyo Bakool ay noqdeen Ansaar ugargaaraya diinta alle dhamaan beelaha Soomaaliyeedna sidaasi looga baahanyahay.

Mas’uuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee hubka kala wareegay Beesha luwaay ayaa uga mahad celiyey beeshaasi sida ay hubkooda ugu bixiyeen jidka Allaah, sidoo kale beeshaasi waxay sheegtay in ay dhaqaale ku bixin doonto dagaalada Jihaadka ah ee lagula jiro ciidanka shisheeye ee Soomaaliya ku soo duulay.

Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in beelaha dega Bay iyo Bakool ay hub dheeri ah siiyaan Xoogaga Mujaahidiinta ah, dhawaan ayey ahayd markii Beesha Hubeyr/Mirifle Mujaahidiinta gacanta ka gelay 12 PKM iyo gaadiid dagaal waxayna arrintaasi fure u noqotay in Beelo badan ay Mujaahidiinta hub siiyaan.

 

One Response

  1. Waxan ku farax sanahay sida wanagsan ee beesha qiimaha ku leh jihaadka ka socda somalia ee luwaay waxan u rajayna belaha kale e somaliyed in ay ku daydaan besha luwaay sida ay u garab istagen xarakatu shababul mujahidin o geed dheer iyo geed gaabanba u fulay sidii sharecada islamka uga dhaqan gali lahayd somalia iyo calamka o idil

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: