War Deg Deg ah: Hogaanka Sare ee Xisbul Islaam oo Xilkii Afhayeenimo ka qaaday Max’med Macalin iyo cabsi laga qabo in uu DKMG ah u galo.

Ururka Xisbul Islaam ayaa goordhaw xilkii Afhayeenimo ka qaaday madaxii Warfaafinta Xisbul islaam Maxamed Macalin Cali oo fitno ka dhax abuurayey xoogaga Mujaahidiinta ah ee ka dagaalamo dalka Somalia.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa SomaliMemMo u xaqiijiyay in Maxamed Macalin xilka laga wareejiyay islamarkaana ay canaan kulul u jeediyeen mas’uuliyiinta ugu saraysa Ururka Al Xisbul islaami.

Kulan muhiim ah oo shalay ilaa iyo xalay socday ayay madaxda Xisbul Islaam iyo saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta kale uga wada hadahadlayeen mad madoowga maalmihii la soo dhaafay ka dhax jiray Mujaahidiinta iyo waxa sababay.

Hogaanka sare e Xiisbul islaami ayaa garwaaqsaday in Maxamed Macalin uu galay khaladaad dhicisayn kara Jihaadka ka socda Somaliya islamarkaana uu ka been sheegay howlaha Xisbiga kadib markii uu sheegtay dagaalkii Dhoobley ka dhacay oo Xisbul Islaam aanu wax lug ah ku lahayn.

Wararku waxay intaas raacinayaan in Afhayeenka cusub ee Xisbul Islaam laga dhigi doono madaxa dacwada Xisbiga waloow aanan weli lagu dhaqaaqin balse laga yaabo in saacadaha soo socda uu war kasoo baxo hogaanka Xisbiga.

Sheekh Xasan Daahir Aweys hogaaamiyaha Mujaahidiinta Al Xisbul Islaam ayaa la sheegay in uu canaan daran u jeediyay Maxamed Macalin oo lagu helay in uu xariir laleeyahay Yuusuf Maxamed Siyaad Indho Cadde oo Dowlada KMG ah katirsan.

Waxaa laga cabsi qabaa in Max’med Macalin uu ugalo dowlada KMG maadaama saraakiisha Xibsul islaam ay ka caroodeen qaabkii uu uga hadlay dagaaladii Jubbooyinka ee u dhexeeyay Wilaayada Islaamiga ah iyo maleeshiyo Kenya tababar ku soo qaatay,carada ugu daran ayaa timid kadib markii uu Idaacadda Islaamiga Kismaayo ka fadilay Radio Garowe oo larumaysanyahay in uusan islaami ahayn.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: