Gudoomiyihii hore Qubuura Galeenaka Gobolada Dhexe Cumar Sheikh Maxamed Faarax oo ka soo Caroodey kooxda Duuso-Mareeb.

Cumar Sh Maxed Faarax ayaa  soo gaarey magaalada Muqdisgu iska xaadiriyey Goobta ay iska xaadiriyaan Kooxaha Guuldareystay Sida Yusuf Inadhacadde iyo kooxdiisii. 

Cumar sheikh Maxamed Faarax oo horay u ahaan jirey Gudoomiyihii hore ee Qabuuro Galeenka Dhuusa-Mareeb ayaa lagu soo waramayaa in uu halkaasi ka soo caroodey kadib markii laga qaaday xilkii gudoomiyenimo uu ee halkaasi ka hayey.

Arinkan ayaa timid kadib markii Isbahaysigii Ahlu-Bidcadu uu soo foodsaaray burbur weyn kaasi oo kalifay in beelihii leysugu keenay Guriceel iyo Dhuusamareeb ay intooda badani halkaasi ku kala tageen oo uu qilaaf hareereeyey.

Sheikh Maxamed Faarax ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis hoose lagalay Suufiyada ku sugan Magaalada Muqdishu oo uu Afyeenka uyahay Sheikh Soomow oo isagu horay usheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn Dagaalada ka Socda Gobolada Dhexe ayna yihiin kooxdaasi koox u adeegata Cadowga Itoobiya.

Kadib kulan uu Cumar Sheikh Maxamed Faarax la yeeshay Suufiyada uu Hogaamiyo Ina Sheikh Muxuyadiin Celi uuna Afayeenka u yahay Sheikh Soomow aya awaxaa suuro gashay in manta ay ugudbiyaan dhinaca Madaxtooyada Villa Somaliya oo ah halka ay kooxaha soo caroodey ama soo fashilmay ay u cararaan.

 

Cumar Sheikh Maxamed Faarax ayaa hada umuuqda in uu doonayo in uu xubin ka helo  DKMG inta aan kooxdii uu ka gadoodey oo Wada hadalo kula jira DKMG ah aysan qeybsan Xubnaha laga siin doono Dowladda  Shariif ee iyadu ku soo aruurtay Madaxtooyadii horre ee Somaliya.

 

Kulanka manta ayaa waxaa Cumar Sheikh Maxamed Faarax ku wehliyey Koox Suufiyo  ah oo uu horboodayey Sheikh Soomoow oo isagu si weyn uga soo horjeedey Dagaalada ay kooxaha ku qaraabta magaca diimeedka ee Itoobiya u adeega ay ka wadeen Gobolka Galgaduud.

  

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: