Daahir Maxamuud Geelle oo u go’ay dhagaysiga Musiga iyo Horumarinta Heesaha.

Mas’uul katirsan DKMG oo horay uga mid ahaa Maxakamadihii Islaamka ee burburay ayaa isku bedelay heesaa aad ula dhacsan heesaha iyo dhagaysiga Musiada ay ku caan baxeen Faasiqyiinta iyo kuwa aan diintooda ku dheganayn.

Daahir Maxamuud Geelle oo Dowladda KMG ugu magacaaban Wasiirka Warfaafinta oo dhawaan booqashooyin is xigxiga ku tegay wadamada K/Africa iyo UK ayaa la sheegay in uu galay xarumo waaweyn oo ay leeyihiin fanaaniinta wadamadaasi aan Muslimka ahayn.

Geelle wuxuu si cad u sheegay in Wasaaradiisu ay kaalinta koowaad siinayso suugaanta gaar ahaan heesaha islamarkaana ay wado qorshayaal ay cajaladihii heesaha ee ku keydsanaa Radio Muqdisho ay uqaaday dalka dibaddiisa si heesahaasi loogu bedelo CD ama Digital taas oo muujinaysa in Wasiirku uu heesaha iyo Musica u go’ay.

Daahir Maxamuud Gelle wuxuu dib u dhac ku tilmaamay Idaacadaha islaamiga ah ee aan baahin Musiga iyo Heesaha isagoona buun buunin ka bad badis ah u sameeyay saxaafadda reer Galbeedka oo uu ku tilmaamay “saxaafad casri ah” Ninkan sidaas u hadlaya waa Milkiilihii Idaacadda IQK magaalada Muqdisho oo ah Idaacad Islaami ah, waraysi hadda ka hor uu siiyay Hornafrik ayuu ku sheegay in Idaacadii uu milkiilaha ka ahaa ee baahin jirtay duruusta diiniga ah ay ku shaqaynaysay “Aragtidii maxaakimta oo aysan ka tarjumayn aragtida shacabka”.

Isbedelka Daahir Maxamuud Gelle ayaa yimid ka dib markii uu Jabuuti tegay isaga iyo Shariifka ay laxirteen waxa loogu yeero Beesha caalamka oo xilalka ay ku tixanyihiin madaxda dowlada KMG ah u dhiibay.

Geelle oo BBC-da lahadlay wuxuu ceeb walba oo niyadiisa ku jirta ka sheegay Mujaahidiinta Xisbul islaam iyo Shabaabul Mujaahidiin laakin wuxuu ka been sheegay waaqica dhabta ah ee Somalia ka jira.

Xiligii Maxaakimta Islaamka jireen Daahir Gelle wuxuu ahaa boorsa qaadka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Daahir Aweys weligiisna lug kuma yeelan waaxaha Dacwadaha iyo ciidankii Maxakamadihii islaamka taas oo muujinaysay in ninkan calmaani yahay.

Muuqaallo lahelay ayaa muujinaya Daahir Maxamuud Geelle oo la fadhiya naago madax qaawan oo reer Galbeed hesaay ah, isbedelkan ku yimid Daahir Maxamuud Geele waxaa laga dareemay qoyskiisa oo la sheegay in xiliyada uu safarada aado uu dejiyo Hotelo taas oo ah dhaqan reer galbeed.

C/raxmaan Janaqow,Shariif Sheekh Axmed iyo Daahir Maxamuud Geele ayaa si toos ah shacabka utusiya diin ka baxooda waxayna mar walba muujiyaan iyagoo Gabdho salaamaya qaarkood heeso qaadaya qaar kalane Salaan saarka gaalada ay siinayaan ciidamo gaalo ah.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: